29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ubax dhigay Taalada Darjirka Dahsoon, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka June 57 guuradii ka soo wareegatay, markii Calan Soomaaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa, gumeystihii kadib

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jeediyay halkaas khudbad kooban oo uga hadlayay maalmaha xoriyadda, isagoo xusay in maanta ay tahay maalin weyn oo taariikh u leh Umadda Soomaaliyeed, oo ah 57 guuradii ka soo wareegatay markii Calanka laga taagay dhul Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in maanta ay tahay maalintii halgankii ay bilaabeen dadkii xornimo doonka ahaa oo mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen sida uu yiri.

“Maanta waa maalintii halganka ay bilaabeen aabayaasheena oo mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen, dadkeena hada jooga waxaa noo yaala howshii aabaheeydan oo aheyd wax aad u qurxan, gobinimo iyo midnimo, waxaa hada taaganahay kala qeybsanaan, qabyaalad, qaxooti, abaar, xagjirnimo iyo Tahriib, waxaa nagala rabaa inaan soo celino sharafkii umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay madaxii iyo wadnihii Umadda Soomaaliyeed, in magaalada lagu soo celiyo, sidii ay ahaan jirtay, bilicdii, quruxdii iyo amaankeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay amniga kala shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay u wada istaagaan sida uu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*