28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka kooxda Alshabaab maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in Alshabaab ay ka go’antahay sidii shacabka Soomaaliyeed loo tirtiri lahaa taasna ay u marayaan wado walba.

Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*