28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Isbitaalka National oo Dhowaan Laga Hirgeliyey Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa maanta  28 February 2017 xadhiga ka jaray Cisbitaalka ‘’National Hospital’’ oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Boosaaso.

Kadib markii Madaxweynuhu Xadhiga ka jaray Cisbitaalka ayaa waxaa uu soo kormeeray qayba uu ka kooban yahay, halkaas oo isbitaalka laga dheehanayey qalab casri ah iyo shaqaale u carbisan takhasus-kooda aqooneed isla markaana waxbadan bulshadooda uga faa’iidayn doona aqoonta ay leeyihiin.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Cisbitaalku uu yahay mid wax weyn katari doona baahiyaha bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland maadaama ay joogaan shaqaale aqoon u leh shaqadooda, isagoona Madaxweynuhu  uu tilmaamay in shaqaalaha gacanta ku haya Cisbitaalka ay yihiin dhalinyaro dalka dibadiisa wax kusoo bartay dalkoodana ugu soo laabtay sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen bulshadooda.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku booriyey maamulka Cisbitaalka in la horumariyo lana tayeeyo shaqalihiisa ka hawla gala, isla markaana si hagrasho la’aan ah loogu adeego bulshadda.

Maamulka degmada Boosaaso, waxgaradka iyo aqoon yahanka ka hadlay munaasibada xadhig jarka Cisbitaalka ayaa dhankooda wax lagu farxo ku tilmaamay hirgelinta isbitaal tayo leh oo ay ka shaqaynayaan dhalinyaro xirfadle isla markaana diyaar u ah inay u adeegaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso ku booriyey in la garab istaago Cisbitaalka welibana lagu taageero wax kasta oo dawladda dhankeeda ay uga baahdaan maamulka cisbitaalku “National Hospital”

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

IMG_1668IMG_1679IMG_1682IMG_1686IMG_1693IMG_1701IMG_1707IMG_1715IMG_1717IMG_1722IMG_1723IMG_1724IMG_1727IMG_1730IMG_1731IMG_1733IMG_1736IMG_1739IMG_1745IMG_1749IMG_1751IMG_1756IMG_1759IMG_1765

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*