29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka qayb galay Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee DFS.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 22 February 2017 magaalada Mudisho kaga qayb galay xaflada caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey ka qayb galka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee DFS, gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda waxa uu u hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana uu guulweyn ku tilmaamay caleema saarka taarikhiga ah ee maanta loo sameeyey mid guul u ah Soomaaliya, isla markaana noqday mid baal dahaba ka galay taarikhda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa shacabka Soomaliyeed meel kastay joogan ku booriyey in lataageero oo lagarab istaago Dawladda Cusub, maadaama ay maanta Soomaliya ku jirto marxalad ka duwan sidii hore.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa balanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi  Farmaajo, waxaana uu illahay uga baryey inuu ku asturo xilka Madaxweyne ee uu ku guulaystay dhowaan.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.IMG_0909IMG_0915 (1)IMG_0915 (2)IMG_0915 (3)IMG_0915 (4)IMG_0915 (5)IMG_0915IMG_0923IMG_0930IMG_0952IMG_0955IMG_0962IMG_0964IMG_0970IMG_0973IMG_0976IMG_0982IMG_0985IMG_0987IMG_0993IMG_0996IMG_1000IMG_1004IMG_1023IMG_1028IMG_1037IMG_1047IMG_1054IMG_1055IMG_1064IMG_1069IMG_1075IMG_1079IMG_1082IMG_1084IMG_1087IMG_1092IMG_1095IMG_1099IMG_11022

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*