28th March 2024  admin  Category :

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur oo dhawaan geeriyooday.

Agaasime C/nuur ayaa tacsida la wadaagay Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Bahda cadaaladda Puntland, iyo si gaar ah qoyskii uu ka baxay Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi u direysaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo gaar ahaan bahda Garsoorka Dowlad Goboleed Puntland iyo qoyskiisaba geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Puntland Garyaqaan Yuusuf Xaaji Nuur.

Marxuumku wuxuu ahaa shakhsi dadkiisa u adeegay, udub dhexaadna u ahaa hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka ee #Puntland. Waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo. Aamiin”.

Sidaasi waxaa yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*