29th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyihii hore ee Koonfur galbeed oo xil loo magcaabay halka Gudoomiyihii hore ee Puntland uu weli ku sugayo Muqdisho Xil loo magcaabo. Beelaha Raxanweyn ayaa hadda lagu kala maslaxayaa xilalkii umadda Soomaaliyeed u dhaxeeyey, si 61 Xildhibaan ee laga soo doorto degaanadaa lKoonfur galbeed ay ugu codeeyaan madaxda halka joogata

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Gaalbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye u magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, oo toddobaadyadii dhowaa uu is-marin waa ka dhex taagnaa isaga iyo xukuumadda, oo doonaysay inu ku bedesho safiirkii hore ee midowga Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*