18th November 2017  admin  Category :

Ma Aniga oo Reer Maakhir ah, oo Suldaanka Somaliland Suldaankaygua ahaan jiray, oo 1960 ka hor sida taariikhdu qorayso  aan  xor ahaa oo nidaam dawladeed iyo kala danbayni Maakhir ka jirtay  lagu amaanay . Miyaa maanta nin duurka ku jiray  oo Deerada daban  jiray  ee dawladeeyaa oo Seexaarodo Beeli leedahay  dhulkayga keenaa

Maamulka Isaqland  horay waxay   marar badan  ku   guul dareysteen sanaadiiqdii ay rabeen iney ku khalkhal geliyaan nabada dhulka Maakhir iyo Dhulbahantaha ee Puntland. Maamulka Isaqland iyo dabadhilifyada tirada yar ee macaanjecesha ah ee u adeegaa waa iney ogaadaan in aaney wax ka qaadin karin dadka Reer Maakhir iyo Dhulbahantaha dega Waqooyiga oo diiday gunnimada hoos taga Isaqland oo doortay gobanamida la noolashaha reer tolkooda Puntland, wax kasta ah isku qabeene.

Nabad loo wada noolaado oo aan la isa sheegan ayaa walaaltinimada iyo deris wanaagu ku jiraan. Odayaasha Warsangeli iyo Dhulbahante ha iska jireen biidhiqaatayaasha tirada yar ee magaca la wadaaga oo shilimaadka Isaqland ka soo qaadanaya si ay u khayaameeyaan iyagoo isla simaya iney la mid yihiin Dhulbahantaha iyo Warsangeliga Puntland ka socda.

Puntland waa dalkeenii iyo dadkeenii oo doorasho ayeynu kaga mid noqonay. Puntland waa dalkeenii uu khasab Warsangeli iyo Dhulbahante kuma sheeganayaan halka Isaqland rabaan in ay dadka sanka ka geliyaan goosashadooda. Puntland dad inala dhashay baynu wada sameysanay oo ina khasbi maayaan, markaynu doono ayeynu aayaheena ka tashan karnaa haddii wax isbedelaan. Laakiin waa in aan ogaanaa kuwa jecel in Dhulbahante iyo Warsanageli looga dhigo Puntland dab gubaya si walaalehoodii ay garabsan lahaayeen loogu diro. Marka dugsiga walaalkood laga soo saaro ayey iyagoo baylaha ah gees keligood ugu soo bixi doonaan Isaqland. Isaqland waa siday rabaane markaa ayey caada-qaatayaashooda iyagoo dabada ka wada waxay doonaan sameyn doonaan, sida Laas Caanood ka taagan. Waa in aan ogaanaa dadkaa deriskeena ah ee qabyaalada ISAQLAND ku sameystay ee magaca “SOMALILAND” ku gabanayaa in ay midnimada walaaltinimo ee Dhulbahante iyo Warsangeli ay Puntland kaga mid noqdeen in goolkoodu yahay iney dumiyaan. Isaqland waa qabiil khasab Dhulbahante iyo Warsangeli ku sheeganaya oo raba, si uu u duleysto, in ay sandule iyo xoog ku hoos yimaadaan.

Saluuga iyo guuxa hoose oo maamulka Puntland ay qaar dadka reer Puntland , reer Maakhir iyo Dhulbahante ka tirsanayaan ma aha iney ku kalifto iney mid qabyaalad iyo naceyb la sarkhaasan ay hoos galaan. Gaar ahaan Dhulbahante iyo Warsangeli marna yey gunnimo, addoonsi, duleyn iyo iney is hoos geliyaan Isaqland oo cawaaqib xumo wiil-wiil ka dhaxlo ku kalifin hadday ka cadhoodaan maamulka Puntland. Puntland ka mid noqoshadeedu xidhiidh lama le maamulka Puntland ee xilligaa jooga. Maamulka iyo dadka horboodayaa waa yimaadaan oo tagaan laakiin Puntland weligeed waa jireysaa. Haddii aanu maanta nin Reer Laas Caanood ahi madaxweyne ka aheyn Puntland, berito ayuu ka noqon karaa. Markaa ka mid noqoshada Puntland waa in aan lagu khaldin qalooca ka iman kara shakhsiyaadka maamulka markaa jira, qofkuu doono madax ha u ahaadee. Isaqland ma aha iney marna soo dhexgalaan dadka wada dhashay  ee Puntland sida aaney Isaqland marna u ogoleyn in Puntland ay soo dhexgasho markay dhexdooda iska qabtaan.

 

TAARIIKHDA SALDANADA MAAKHIR EE PUNTLAND IYO HESHIISKAY LA GALEEN BOQORTOOYADA INGIRIISKA

Lix qabiil oo Waqooyiga degan ayaa la kala galay Ingiriiska lix heshiis [xagga hoose ayaa lixda heshiis ku qoran yihiin]. Qabiilka Dhulbahante iyagu wax heshiis ah lama gelin Ingiriiska oo waxay ku hoos yimaadeen Ingiriiska heshiiskii jeexida xudduuda Italian Somaliland iyo British Somaliand. Qabiil Isaaq la yidhaahdo oo wada socda oo heshiis la galay Ingiriiska ma jirin. Ma jirin wax la yidhaahdo “Somaliland” dad metelaya oo wada socda oo heshiis la wada galay Ingiriiska. Ereyga “Somaliland” wuxu ahaa magac ay dawlada Ingiriisku maamulka qabaa’ilka ay heshiiska la gashay iyo Dhulbahante ay ula baxday dhulkii ay deganaayeen iyadoo magacaa markii u horeeyey, maadaama “Dhul Soomaaliyeed” uu u taagan yahay, loo isticmaalay Koonfurta iyo magaalooyinka Baraawe.

Qabaa’ilka Waqooyigu xorriyada kuma qaadan in ay ka mid noqdaan dal xor ah oo “Somaliland”la yidhaahdo. Markii xorriyada Waqooyiga la siinayey dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintii Shirkii Dastuurka ee May 1960 u sheegtay in aaney heshiis la gelin wax la yidhaahdo “Somaliland” oo siyaasiyiin metelaan sidaa darteed aaney xorriyad sharciyan sidaa ku bixin karin. Dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintaa ka dalbadeen iney dib ugu noqdaan qabaa’ilka heshiiska lala galay iyo Dhulbahante, oo kaga mid noqday maamulkii Ingiriisiga ka dib markii Talyaaniga iyo dalwada Ingiriisugu kala saxiixanayeen heshiiskooda xadka, oo weydiiyaan waxa ay rabaan.

Siyaasiyiintaa xornimo ayaanu rabnaa ku yidhi Ingiriiska ma laheyn awood ay ku joojiyaan ama baxaan heshiisyadii qabaa’ilka lala galay, maadaama aaney iyagu saxiixin. Wasiirkii Isticmaarku wuxu amray kuwii metelayey “Somaliland’ in ay soo caddeeyaan waxa qabaa’ilku rabaan si heshiiskaasi meesha uga baxo. Markii siyaasiyaantii dib loo soo celiyey iyadoo taa shardi lagaga dhigayo ayaa Odayaashii heystay awooda saxiixu caddeeyeen in aaney rabin Xornimo iyodawlada “Somaliland” la yidhaahdo oo keliya laakiin ay rabaan xornmimo iyo Dawlada Soomaaliyeed oo mideysan(Independence and Union With Somalia).

Maamulka Isaqland ee Hargeisa marin habaabinta uu wado oo ah in xorrnimada lagu helay wax la yidhaadho “Somaliland” oo xor u noqatay iney keligeed istaagto oo markaa “Italian Somaliland” lala midowday waa mid ka hor imaneysa xaqiiqada sharciga ah ee maanta caalamka meel kasta taala oo ah in wax “Somaliand” la yidhaadho aaney weligeed si cad xorriyad uga qaadan Ingiriiska iney noqoto dal madaxbanaan. Arrinta beenta ah ee Isaqland sheego oo ah waa nala aqoonsaday iyada adduunku waa la yaabaa beenta iyo indha-adayga ay aqoonsiga ku raadsanayaan maadaama ay meel kasta yaaliin caddeymaha muujininaya sidii xornimada loo siiyey qabaa’ilkii deganaa Waqooyiga iyo in aaney jirin cid weligood aqoonsatay; tahniyadihii meelaha qaar ay u soo direen qab’aailkaa Soomaaliyeed ee xorriyadoodii ku helay iney la midoobaan “Italian Somaliland” ayey ka dhigaan mid lagu aqoonsaday. Ma oga in aaney adduunka khaldin karin oo ay u fiican tahay iney xaqiiqda sheegaan hadday wax aan soconeyn xitaa raadsanyaan.

Si sharciyan loo helo magac ka duwan “British Somaliland” ayaa markay odayaashi ogoladeen“Xorriyad iyo Midnimo Soomaaliyeed” aya dawlada Ingiriisku si taxdir le u isticmaashay ereyga “Somaliland”, oo “British” laga reebay, si ay fuliso wixii ay tahay in ay kaga baxdo dhulkaa iyo sharciga dhawrka cisho oo “Italian Somaliand” xornimada qaadaneyso ay sii hoos geliyaan. Marna, xitaa shantaa cisho, magacaa looma adeegsan oo uma taagneyn wadan madaxbaanaan. Dal la yidhaadho “Somaliland” oo xornimo ku helay shuruud la’aan sida aanu weligii u jirin ayey maantana tahay in aan la keeni karin wax “Somaliland” la yidhaahdo oo wada socda oo “Koonfur” ama “Italian Somaliland” la hadlaya.

Waxa jiray qabaa’il “British Somaliland” hoos imanayey oo madaxbaanin ku helay in ay la midoobaya “Italian Somaliland”. Shardiga xorriyada lagu helay oo ah midnimada Soomaaliyeed xaq uma le qabiilka Isaaqa keligii intuu dib ugu noqdo 1960 in uu markaa meel kasta ka sheego tan xornimada ookeliya. Xorriyada iyo midowga siday markaa u wada socdeen ayey u wada soconayaan ama qabiil kastii aayihiisu ka tashanayaa. Sidaa darteed Dawlada Federaaligu waa in aaney meesha marna keenin wax aan jirin xitaa 1960 oo dawlada Ingiriisku diiday oo ah in Isaqland metelaan qabaa’ilkii British Somaliland oo dhan, waa haddii Dawlada Federaalku aaney rabin in Soomaali sii kala go’do oo qabiil kastii dawlad noqdo.

Suldan Mohamud Ali Shire Sultan of Warsangeli Daarood Darod Somalia

Sultan Mohamud Sultan Ali-Shire Sultan Muhammad(Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire Suldaan Maxamed), Sultan of Warsangeli

Warsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale oo dhan marka la eego xagga awooda saxiixa, madaxbanaanida loo ogolaa, maamulkood gaarka ah iyo qodoba kale u ku jira heshiisyada qabaa’ilka kale oo laga saaray ama waxa laga bedelay markii Warsangeli lala gelayey.

Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriiska; Odayaasha Ardaaga Warsangeli iyaguna wax kasta oo loo keenay qalinka kuma ay duugine waxay si adag u dalbadeen in qodobada Ingiriisku la yimi ee qolooyinka kale aqbaleen in qaar gebi ahaan laga saaro oo aanay aqbaleyn, qaarna wax laga bedelo iyo in iyagu qaar ku soo darsadaan.

Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.

Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa’ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.

Heshiiska  Warsangeli waxa laga saaray odhaahda “the maintenance of our independence, the preservation of order …… ”  oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa’ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada,  horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan “country” halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax  lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.

Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …“ oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa’ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.

Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa’ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa ” their heirs and successors .”

Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ay
Ardaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa’ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal “Country”loola galo,  in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.

Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*