29th March 2024  admin  Category :

Labadan Farshaxan kee magacii Soomaaliya Kor u qaaday. Mid waa Soomaali oo waa Calooshi u shaqayste, Midna maaha Soomaali oo iskaa wax u qabso ayuu magacii Soomaali kor ugu qaadayaa isaga oo garab istaagay Soomaalida xilliyadii ay Qurbaha kala kulmayeen  duruufaha adag, Gaar ahaan hooyada iyo Dhalaanka

Sawirka sare wuxuu ku dhegan yahay Daar ku taal Weston Road oo ka mid ah  jidadka ugu waaweyn magaalada Toronto ee dalka Canada. Daarta uu sawirku ku dul yaalo ayaa ishu qabataa, qof kasta oo jidkaa marayaa marka uu cabaar u soo jiro

Waa sawir run ah oo ka turjumaya  Soomaalida  ku nool Qurbnaha, waa hooyo Soomaaliyeed oo ilmo ay dhashay gaari ku riixaysa. Dhaqan ahaan iyo islaam ahaan waa labada Soomaalidu aad u ilaaliyaan oo laga dhowro xumaanta.

Sawirku wuxuu kale uu muujinayaa in Soomaalidu maanta  ay  ka mid yihiin Qowmiyadaha Canada. Xaafadda uu maro jidkani ee  uu sawirkani ku yaalo, waa xaafadda laga soo doorto labada xildhibaan ee Federaalka  iyo golaha  degaanka ay Soomalidu ku leeyihiin dalka Canada

Sawirka hoose waa Amiin, oo aan  isagu farshaxankiisu ku xiran yahay maxaa cunaa, Amiin   Caamir  isagu jidkan   wuxuu  ka yaqaanaa oo qura   Xawaaladaha lacagaha lagu soo diro iyo dukaan aan magaciisa sheegeen oo uu kula kulmo dadka ganacsigiisa xiisaynaya oo intooda badani yihiin dad ay  qaraabo yihiin  siyaasiyiin Soomaliya joogta

Amiin Caamir, Kotonkii sano ee  ugu horeeyey noloshiisa wuxuu ku noolaa inta u dhaxaysa Bar 999 iyo Farmashigii Sadex Xidgood ee Magaalda Muqdisho , dhaqanka Soomaalida duruufo jira awgeed wuu ka dayacan yahay ,wuxuuna  ka bartay inta Soomalida kale ay ceebta  u yaqaaniin

Maanta sawirka uu sawiray, waxa ka jawaabaya Allah u naxariistee Cali sahabeelee oo maalmo ka hor ku geeriyooday gobolka Bari, isaga oo halkaa ku noolaa noloshiisa oo dhan  oo ahayd ku dhowaad sagaashan sano,

Madaxweyne Gaas inuu wax cunay iyo in uu  nolosha dadkii uu yimid wax ka bedelay oo wax fiican u qabtay   oo ay maanta ku faraxsan yihiin hogaankiisa  sagaashan jir aan Majeerteen ahaynm oo aan qabyaalad ku taageerayn  ayaa inoo sheega oo aan  derajo iyo lacag toona doonayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*