28th March 2024  admin  Category :

Riditaankii Shariif Xasan, oo ahaa Madaxweeynihii Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ah mid qatarteeda leh, dalkana u hor seedi doonta burbur hor leh. Waxaana dhab ah in Soomaali aysan welli si dhab ah u heshiin, kalla shakiga iyo is aaminaad la’aanta waa mid taagan.

Hadaba, burburinta maamulada ayaa ah fikir ay dabada ka riixayaa siyaasiyiinta beesha Hawiye oo iyagu ah dad ka soo hor jeeda nidaamka federaalka, doonayana in Muqdisho la isugu yimaado sidii ay ahaan jirtay intii dawladda aysan dhicin.

Muqdisho waa meeshii xasuuqa loogu geeystay dadka Daaroodka ah, suurtagalna ma noqoneeyso in nidaamkii lagu kalla badbaadi lahaa ee federaalka meesha laga saaro. Maanta waxaad arkeeysaa dad ka tirsan Jubbaland iyo Puntland oo taageero kal iyo laab ah u haya dawladda la baxday Nabad iyoNolol.

Nabad iyo Nolol siyaasadda lagu hoggaaminayo waa mid ay leeyihiin fikirkeeda iyo taladeeda siyaasiyiinta beelaha deggan Muqdisho. Dadka aaminsan in Farmaajo yahay shaqsi tallada dalka wax weeyn ku leh ayaa ah mid aan waxba ka jirin.

Shacabka Puntland iyo Juballand waa ineey oggaadaan qorshaha lala damacsan yahay kaas oo ah sidii masiirkooda loo burburin lahaa, iyadoo la keensanayo xafiiska madaxweeynayaal la soo fangareestay oo maqaar saar ah kuwaas oo lacagta ka soo baxda dekeddaha Boosaaso iyo Kismaayana toos ugu shuba Muqdisho, dadkuna marka ay mushaar la’aan ku dhacdana ay ku qasbanaadaan in kuligood ay u yaacaan Muqdisho. Miyeey tahay wax la yeeli karo?

Adiga is weeydii waxa kallifaya kara in maamulada loo dirro musharixiin lagu fangareeyay lacagtii shacabka si masaalix guracan loogu gaaro. Kuwa aaminsan isbeddel in dalka laga sameenayo ayaa ah kuwo aan fahansaneen waxa meesha ka soconaya, balse soo baraarugi doona marka ay qaniinyadu ku dhacdo.

Gabagabadii, waa in la illaaliyaa masaalixda iyo masiirka shacabka Jubbaland iyo Puntland, waana inaan la yeelin riwaayada la doonayo in si fudud la isugu qabsado oo ay dabada ka riixayaan federaal diidka Muqdisho.

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*