28th March 2024  admin  Category :

Ciidan kasta oo lagu xasuuqo buuraha  Calmadow sabab waxa u ah Qaad laga keenay Burco iyo Beer ilaa hadana ma jirto khuburo loo saaray arintan oo baaritaan ku samaysay

Xasuuqii maanta ka dhacay degaanka Afurur ee gobolka Bari ee lagu dilay Dumarka, caruurta iyo Askarta Puntland ayaa  waxa la sheegay in Waxyaalaha qarxa lagu xiray Miiskii qaadka lagu qadayey. Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay soo ma dhici karto in   baabuurta jaadka wada ee ka imanaysa   Burco iyo Beer in jawaanada  ay wadeen  lagu soo qariyey   Banbooyinkan daka dilaya. Yaase baaray oo sheegay in miiska Miinada lagu xiray, mar  haddii hooyadii miiska qaadka lagu gadayey  lahayd ay iyadii  qaraxa ku dhimatay. Dadkii meesha ku soo ururay oo qaraxu haleelay ma sheegi karaan sida qaraxu u dhacay oo waxay u baahan tahay baaritaan la sameeyo

Xasuuqan kii  ka horeeyey ee ka dhacay degaanka  Afurur, isagana waxa saamayn ku lahaa qaad ka yimid Burco iyo Beer oo ah meesha lagu tababaro alshabaabka.

Arinta labad oo qaadka wehelisa ayaa waxay tahay taliyaasha ciidamada haysta oo howshii loo xilsaaray oo ay u joogeen buuraha Calmadow sidii la rabay aan   uga soo bixin. Tusaale haddii isu socodkii Buuraha iyo magaalooyinka la joojiyey, waxay ahayd in qaadka Burco iyo Beer ka imanaya oo u socda Buuraha calmadow  isagana la  joojiyo si aan Asakarta cadowga la dagaalamaysaa loo mashquulin.

Arinta sadexaad ee  cadowga kaalmaynaya ayaa waxay tahay inay basaasiin ku leeyihiin dad u dhashay degaanka iyo Askarta dhexdooda,  Maanta markii dhaawaca la qaaday oo la sii waday magaalada carmo jidka ayaa loo galay dadkii dhwaca aahaa ee la siday   oo isugu jiray dumar iyo caruur. Waana la sii sheegay xilliga ay ka baxayeen Afurur.

Ugu danbayntii Alshabaab,  Reer Buco iyo Beer ka dhamaan maayaan buuraha Calmadow ilaa dadka u dhashay  degaanku  ay ogaadeen in dhulkan ay   dhaxal uga heleen awoowayaashood dhiig badana loo soo daadiyey , si iyaga loo soo gaarsiin lahaa. Iyaga uun ayaa soo afjari kara xasuuqan aan naxariista lahayn oo hooyada uurka leh iyo Cabdi Cali oo 104 jir ah si loo wada dilayo

Xasuuqii Suqure ee gobolka Bari

ALLSANAAG.COM

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*