16th April 2024  admin  Category :

Hubkii laga bililiqaystay  xerada General Gordon oo Suuqa Bakaaraha lagu kala gadayo

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa maanta soo bandhigtay sawirada Hub ay sheegtay in laga soo qafaashay xerada Gen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Image may contain: one or more people, crowd and outdoor

Reuters ayaa waxa ay sheegtay 600 oo Qori oo nuuca AK-47 ah in laga soo qafaashay 600 oo Askari oo ka tirsan kuwa Imaaraadka ee ku jira xerada Gen. Gordan, kadib iska hor imaadkii dhexmaray Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Imaaraadka uu tababaray.

Laba maalin kahor iska hor imaad Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo Ciidanka xoogga dalka ku dhexmaray gudaha xerada ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca Askar labada dhinac ka tirsan.

Sidoo kale Wakaalada Reuters ayaa warbixinteeda ku sheegtay Qoryahan oo qaarkood ay cusub yihiin in hada lagu iibinayo Suuqyo furan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, aysana qabin wax cabsi ama walwal ah oo ku aadan in laga daba yimaado dadka Hubkan iibinaya.

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka uga soo iibsadeen Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).

Qoryahan la sheegay in Magaalada lagu iibinayo ayaa waxaa bixisay Dowladda Imaaraaadka Carabta, kolka ay tababarka u soo gaba gabeysay Ciidamada ay tababartay ee ku jira xerada Gen. Gordan.

“Annaga Hubka waxaan ku dhex iibinaa Suuqa gudihiisa, markiisa hore waxaan ka iibinay Ciidanka xoogga dalka, waliba qiimo jaban, hada annaga ayaa u madax banaan xoolaheena, waana iibineynaa,” Ayuu yiri Jaamac Cali oo u waramay Reuters.

Madaxweynaha Jamhuujriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay la kulmay Ciidanka ku jira xerada Gen. Gordan ayaa waxa uu u sheegay in aysan jirin cid dambi loo heysto, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada maqan in ay dib ugu soo laabtaan xerada.

s
26a6

26a6a

26a6a2

26a6a3

26a6a4

26a6a1

26a6a5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*