18th April 2024  admin  Category :

Qaarada Afrika waa qaarada kalliya ee uu ku jiro khayraadka ugu badan adduunka, balse dadkeedu waa kuwo ay dillootay faqri iyo gaajo aan dhammaaneen, meesha dadkeeduna ay badaha ugu dhimanayaan sidii ay ku gaari lahaayeen qaarada Yurub.

Hadaba, macalin Richard Nicholas, oo ku taqasusay dhaqaalaha, ayaa shan sanno ka hore ka hadlay xaaladda qaarada Afrika iyo sababta ay faqri u tahay, wuxuuna sheegay in wadamada Yurubta iyo Waqooyiga Ameerika iyo qaar ka mid ah qaarada Aasia aysan dooneeyn in Afrika ay madaxa la soo kacaan.

Wuxuu leehay waxaa la rabbaa in qaarada Afrika sidaa ay haddeer tahay lagu hayo welligeed, lana gurto khayraadkooda; wuxuu sheegay oo kalle  in hadii qaarada Afrika ay soo kacdo oo ay sameeysato warshado, ay hoos u dhici doonto nolosha ay ku nool yihiin dadka ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.

Wuxuu kalloo sheegay barafasoorka in macaawinada sababta loo bixiyo ay tahay sidii hoggaamiyayaasha xukunka fadhiya ee Afrika ay ulla shaqeeyn lahaayeen iyaga.  Sidoo kalle, Richard waxa uu soo qaatay in Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay iyaduna tahay aalad loo sameeystay  dadka ku noo wadamada soo koraya taas oo ah dabbin. Waxaa dhab ah, in wadamada diiday lacagta deeynta ah ee IMF ay ka fiican yihiin dhaqaalo ahaan kuwa qaatay deeynta.

One thought on “MA AHAYD IN AFRIKA GAAJO LOOGU DHINTO?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*