29th March 2024  admin  Category :

Nin lacagtii meherkii xaaskiisa oo maxkamadi u xukuntay Qadaadiic u keenay

SOLO, Indonesia: Nin ka soo jeeda dalka Indoonisiya oo xaaskiisu ku lahayd lacag ay maxkamadi u xukuntay oo gaaraysa $10,000  ayaa maxkamadii keenay lacag  Qadaadiic ah oo ayna ku jirin mid warqad ah

Dwi Susilarto ayaa maalintii khamiista maxkamada yimid isaga oo sida jawaano ay ka buuxaan lacag gaaraysa 153 million  oo rupi ah una dhiganta ($10,500)  oo wada Taano iyo Kumiyo ah,  lacactan qadaadiicda ah ayaa culayskeedu gaarayey 900 oo kilogram.

Maxkamada gudaheeda ayaa waxa  faraha lsula tegi lahaa,  oo ku sigtay inay is gacan saaraan ninkii sarifka badan waday iyo qareenkii xaaskiisa oo diiday inuu lacagta qadaadiicda ah uu  tirio

Qareenka ninka Kumiyada iyo taanooyinka waday ayaa kuu dooday in ninkani uuna qadaadiicda u soo qaadan inuu cid ku  ceebaysto ee ay lacagtu tahay mid uu qaaraan kaga soo urursaday Qoyskiisa iyo asxaabtiisa, oo intooda badan ay soo siiyeen shilimadan

Setyowati oo ah xaaskii lacagta la siinayey, iyadu sheekadan  qaaraan ayaa lacagta lagu helay oo  ninkeedii hore la yimid  ma qaadan , Waa ceebays uu aniga i  ceebaysanyo waxa uu  arintan u sameeyey ayeey sheegtay mar ay la hadlaysay warbaahinta – waxay la mid tahay isaga oo iigu yeedhay qof gaajoonaya.

Markii danbe lacagteeda qadaadiicda ahayd  waa qaadatay, maxkamadda ayaa shaqaalaheeda ku xukuntay inay lacagta qadaadiicda ah tiriyaan

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*