28th March 2024  admin  Category :

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa maanta gobolada kaladuwan ee Puntland u kala dirtay Kooxo, Qalab iyo Gaadiid loogu talagalay Xakamaynta iyo Caabinta Ayaxa kuwaas oo gaari doona dhamaan gobolada Puntland si Ayaxa loogala dagaalamo in uusan saamayn ku yeelan Dhuldaaqsimeedka iyo Beeraha Puntland.

Siihayaha Wasiirka Deegaanka ahna Wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor), agaasimeyaasha waaxyaha kaladuwan ee Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada DPL ayaa ka qaybgalay munaasabad ay wasaaraddu ku sagoontinaysay Kooxahan oo loo tabababaray in ay xakameeyaan Ayaxa islamarkaasna isticimaali doona Qalab iyo Gaadiid ka howlgali doona dhamaan gobolada kaladuwan ee Puntlad.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle oo warbaahinta la hadlay kadib markii ay wasaaraddu kooxahan u kala dirtay gobolada kaladuwan ee Puntland ayaa sheegey in ay kooxahan dirtay wasaaradda oo kaashanaysa dawlada Puntland wuxuuna madaxda Puntland uga mahadceliyey doorka ay ku lahaayeen dirista kooxahan xakamaynaya Ayaxa, Wasiirku waxa uu bulshada kusugan deegaanada Miyiga ah ee gobolada kaladuwan ugu baaqay in ay xogta Ayaxa soo gudbiyaan si meesha uu markaas kusuganyahay looga howlgalo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*