16th April 2024  admin  Category :

Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxda Federaalka Soomaaliya  iyo  Guddiga jika Ceel daahir iyo Ceerigaabo,

Kulankii dhowan ku dhex maray madaxda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga jidka barakaysan ee  Ceel daahir ilaa Ceerigaabo   caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  waxa fududeeyey  oo suurta geliyey inay is arkaan labadan dhinac  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabeyre.

Madaxda ugu saraysa Soomaaliya sida madaxweynaha Soomaaliya   Mohamed Abdullahi “Farmajo iyo Ra’iisul wasaaraha   Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa labaduba  u  balan qaaday Guddiga Jidka ceel Daahir  inay ka qayb qaadanayaan dhmaystirka jidkan, Waxayna  Guddiga siiyeen kalsooni buuxda, sida ay noo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Guddiga jidka Ceel Daahir,   sidoo kale waxa magaalada Muqdisho  aad ugu soo dhoweeyey xildhibaanka aqalka sare ee reer Maakhir Saciido Xasan , Xildhibaan Siciid Daahir iyo Siyaasi Siciid Qorsheel.

Fiiro gaar ah:Waa kuma  Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin  Gabeyre. Arday uu ka mid yahay Gabayre oo ka kala yimid degmooyinka Cadale iyo Adan yabaal  ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo Arday aan ka mid ahay oo ka kala yimid degmooyinka Badhan iyo Buraan ee Gobolka Sanaag,  ayaa dugsiga sare ee Shabeelle ee  boarding ahaa ka wada bilaabay  dugsga sare   1979. Waxaana   wada deganayn Dorm 8 afartii sano oo aan ku wada jirnay dugsiga sare. Markaan dhamysanay dugsiga sare  waxaan shaqo Qaran u wada aadnay gobolka Togdheer.  Inakasta oo aan dhowr iyo sodon sano is arag ama is maqal Gabayre waa ugu  mahad celinayaa  howsha qaran uu qabtay iyo Soomaalinamada uu muujiyey

Cali Maxamuud Xasan ( Cali Ceelaayo), oo ka mid ah guddiga jidka Ceel daahir,  isagana  waxaan ahayn asxaab , waxaan  wada bilownay Malcaamadda oo uu Kabiir noo ahaa iyo dugsiga hoose dhexe.

ALLSANAAG.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*