22nd February 2019  admin  Category :

Kooxda Aaranjaan oo dib u hanatay talada Puntland

Muddo bil ah oo laga dhursugayay in Madaxwayne Siciid C/llaahi Deni uu soo dhiso xukuumadiisa, ugu dambanytii maalin axada taariikhduna ku beegnayd 10/02/2019 ayaa lugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland. Maadaama 14 bari dheeri ah loogu daray waxaa la filanayay inuu soo dhiso xukuumad dhinac walba ka misaaman marnaba lama filayn in uu soo dhisi doono xukuumad shacabweynaha kala kulmaan niyad jab iyo muraaro-dillaac oo sida shacab badani qabo la mid noqotay duddumadii foolatay ee jiirka dhashay.

Run ahaantii marka laga eego dhinaca  rikaabki uu watay Deni,  ma ahayn mid la fogaysan karay inuu ka badin waayo magacaabidda  wasiiradiisa qayb ka mid ah oo ka aradan dadnimo, aqoon iyo sooyaal wanaagsan intaba oo waliba qaarkood iska daaye in xil loo dhiibo e, dambiyada ay bulshada ka galeen oo ay ugu wayntahay lunsashada iyo boobka hantida dadwayne ku mutaysan lahaa ciqaab iyo xarig.

Dadka yaqaanna  Deni kuma sheegaan nin aragti hogaamineed iyo hiraal aragnimo wayn ku fadhiya, hase ahaatee xumaan shakhsi ah qof ka sheegaya wuu yar yahay; balse dhibaatada xukuumadiisa haysata waa isaga oo gacanta u galay koox danleey dhaqaale ah oo aan dad iyo dal midna u diirnaxaynin.

Kooxdaas waxaa loo yaqaan Aaranjaan, waxay samaysmeen oo ay bulaaleen xilligii C/raxmaan Faroole talada Puntland hogaanka u hayay, sanadihii 2009-2014, waa xayn ganacsata ah oo u badan gobolka Nugaal oo awoodda dowladda mar walba u adeegsada xaqiijinta dano dhaqaale iyo maslaxado shakhsi ah.

Kooxdaan waxaa ugu miisaan culus ganacsade Maxamuud Warsame Shiddo iyo wasiirka la magaacabay ee Xasan Shire Abgaal, labadan kaaba laadaro iyo kooxdooda aaran jaan  waxay maalgaliyeen  ololihii doorashada federaalka ee 2016kii ee Mudane Deni wareegii horeba ku haray iyo doorashadii  u dambeesay ee ka dhacday Puntland uu mudanuhu  Puntland madaxwaynaha kaga noqday.

Maxamuud Shiddo, hogaamiyaha kooxda Aaran jaan, waa ninkii imaaraatka gacantiisa uga soo qaaday adduun dhan 3 malyan 2014kii si ay uga qayb qaataan doorashada puntland uu doonayay faroole inuu dib u hanto xukunka puntland, lakin faroole ma soo bixin halkaasna guusha waxa ay kuu raacday c/wali .  Maxamuud shiddo oo ah nin firfircoon ayaa doorashadii danbe waxa uu ka shaqeeyay isku-xirka kooxda  Islaax iyo Imaaraad,. Sidoo kale hay’adda PMPF oo ay garwadaynka ka yihiin kooxda Aaranjaanka , taageerana ka hesha  dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay kuna taageertay dhaqaale ahaan Siciid C/llaahi Deni ka soo hadda u muuqda magac mooyee nin aan talo badan gacanta ugu jirin.

Waxyaalaha aadka loo la yaabo doorashadii u dambeesay ee Puntland waxa ay ahayd in ay danwadaag  iyo xulufo jaal ahi noqon karaan islaax oo laan ka mid ah dhaqdhaqaaqa Ikhwaan Muslimiinka dunida islaamka ka jira iyo Dowladda Imaaraat ee aad uga la dhaxayso cadaawadda , dadku waxay isweediinyaan mudda intee le’eg ayay sii wada joogi karaan , yaase daaqadda laga la bixi doonaa. kooxda aaran jaan oo hadda ah isku xiraha labada koox waa koox pragmatic ah oo aan mar walba masalxdooda eegta kuna fiican inay qiyaasaan meeshii  danta ay ugu jirto ayaa waxaa loo badinayaa inay tuuri doonaan markay muummuudsadaan ka gadaal. Madaxweynaha oo qudhiisa ah islaax ah ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in mudda ahba iska fogeynayay islaaxa si ayan uga horimaan hankiisa siyaasadeed , taas oo ka dhigan in Kooxda Aaranjaan ku kaliyaysan doonaan madaxweynaha, meesha ay rabaanna u jihayn doonaan.

Doorashada Madaxwayne Deni ma ahayn mid farxad galisay Dowladda Federaalka oo iyada culayskeeda dul dhigtay Eng. Jabiye oo isaga ku haray wareegii hore, taasi waxay dowladda federaalka kala kulantay wajji gabax wayn

iyadoo  Dr. Deni lugu yaqaanno calool-kuhayn badan iyo aar-gudasho jacayl, hase ahaatee dhibaatooyinka gudaha Puntland ka haysta oo aad u tira badan ayaa u oggolaan Karaynin in uu xilligaan colaad u muujiyo Dowladda Federaalka.

Xukuumadda Deni u-adeeg bulsho mise ka-adeegashadooda?

Madaxwayne Deni ayaa soo dhisay xukuumadiisa axadii  la soo dhaafay oo ku beegnayd 10 kii bishan aan kujjirno, waxay ku qaadatay  bil iyo 2 beri, Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay oo waqti dheeri ah loogu daro soo dhisidda xukuumaddiisa . Waxaynu wada xasuusannaa doorashadiisii in lugu soo dhoweeyay mudaharaad iyo bannaanbaxyo ka dhacay inta badan deegaannada puntland oo lagu diidanaa madaxweynaha iyo kooxda aaran jaan, sidaas darted waxaa la filayay in uu soo dhisi doono xukuumad shaki saarta shacabwaynaha oo ah mid tayo leh uu soona  magacaabo dad karti iyo aqoon u leh, saami qaybsiga beelahana uu ixtiraamo, waxaa kaloo laga filinayay in raadka kooxda Aaranjaan ee sumcadda-darrada u saaxiibka ah aysan ka muuqan xukuumadda uu dhisayo.

Nasiib-darro xukuumadii dhalatay waxay noqotay mid cabsidii la qabay sii xoojisay, waxay noqotay xukuumadda kaliya ee Puntland soo marta oo aan si wayn loogu farxin curashadeeda.

Waxaan qodobada soo socda ku soo koobayaa qaabka lugu dhisay xukuumada Deni iyo tilmaamaheeda:

  1. Xukuumada waxaa aad uga soo muuqday shakhsiyaadkii Aaranjaan ahaa ee la wada yaqaannay iyo kuwo badan oo dan wadaag xigto iyo xidid la ah Aaran jaan . Waxay reer walba ka soo xusheen dadkii ololaha af ama addin ku taageeray, iyadoo xukuumadihii hore ahaan jireen kuwo ay ka soo dhex muuqan kari jireen inta badan kooxaha loolanka qaybta ka ah iyo xattaa musharrixiinta tartanka ku hartay qaarkood.
  2. Aaranjaan waxay culayska saareen wasaaradaha ugu muhiimsan ee halbowlaha u ah shaqada dowladda. Wasaaradda Maaliyadda waa midda ugu muhiimsan dowladda Puntland, waana meesha lacagaha ku kala goostaan Madaxtooyada sida dhaqanka ahaan jirtay, waana taas sababta keentay in ay kooxdani ku mintido oo dagaal dheer u gasho sidii ay ku hanan lahayd
  3. Wasaaradda Maaliyadda waxaana loo magacaabay Xasan Shire Abgaal ( waa ninka labaad ee kooxda Aaranjaan dhanka kala-sarraynta awoodda). Madaxwayne Deni bisha uu xilka hayay wuxuu ssoo saaray dhowr  digreeto oo ku saabsan maaliyadda oo uu ku xayirayo dhaqdhaqaaqyada akoonnada wasaaradda Maaliyada, waxay mutaysatay bogaadin waliba tii lugu joojiyay daabacaadda shilinka Soomaaliga balse magacaabidda Xasan Abgaal ayaa shaki weyn abuurtay in madaxweynaha dhab ka tahay la dagaalanka musuqa , maxaa ku qasbay Deni inuu magacaabo xasan abgaal isagoo  heli kara dad shaatigoodu nadiif oo aan lahayn sooyaal taariikheed oo dhinaca musuqa,  nin hanti badan ka sameeyay mucaawinaadka yar e soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo uu muddo 10 sano ah ka ahaa agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, mushaharkiisu dhowr boqol oo dollar ma dhaafsiisna, sidaas oo ay tahay waa mid ka mid ah dadka ugu maal iyo hantida badan Puntland!, wuxuuna ka mid yahay dadkii Madaxwayne Deni dhaqaale lacageed oo boqolaal kun oo dollar gaaraya ku taageeray .

Wasaaradaha ugu muhiimsan sida: Amniga, Qorshaynta iyo Gudaha ayaa loo dhiibay rag aad ugu dhow kooxda Aaranjaan oo ay yihiin danwadaag hoose.

  1. Waxay noqotay xukuumaddii ugu horraysay ee la soo magacaabo oo isugu keentay golaha wasiirada waasiiro isku family ah oo isku ah xigto iyo xigaal, ilaa ay gaareen dadka qaarkii inay ku kaftamaan xukuumaddiii (nikaax & naas) xididnimo iyo abtinimo, taas oo laga yaabo in noqoto  shaqadii ahayd u-adeegida bulshada mid isu bedasha ka-adeegashada bulshada.
  2. Madaxwayne ku-xigeenka Axmad Karaash wuxuu noqday ninka kaliya ee gaashaanka u daruuray qorshayaasha Aaranjaan isaga oo inta badan meelmarsaday wasiirrada beesha Dhulbahante xukuumadda kaga soo aaday; arrintaas waxay aad uga caraysiisay garwadeenka xukuumadda Maxamuud Shiddo, waxayna saadaal hor-u-dhac ah u tahay qaabka ay u wada shaqayn doonaan garbaha isdiiddan ee ka wada tirsan xukuumadda Deni
  3. Waxaa soo baxaysa ifafaalo muujinaya dagaal qabow oo durbadi ba ka dhex curtay kooxda Al-islaax oo iyaga ka qaybqaatay abaabulkii ololaha Deni, raggaasi waxay u badanyihiin dhalinyaro aqonyahanno, kaalin mug lehna ka qaatay soo saaridda Madaxwayne Deni hase ahaatee waxay u muuqdaan kuwa looga gudbay marxalad taagneed balse aan dib loo milicsan.
  4. Deni waxaa ololihiisa halkudhig u ahaa (Tiigsi iyo Tayo). Waxaa laga filan karay xukuumad kooban oo tayo leh, waxayse noqotay mid tiro badan balse qabiilooyin yar yar oo tiro badan oo xukuumaddii hore matalaad ku lahaa haatan afkaas wax loo saari waayay.

W/Qoray: Maxamed Xusni Wardheere

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*