29th March 2024  admin  Category :

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa hadda waxa ka socda mooshin biloow ah ,  oo sida la sheegay la doonayo in lagu rido madaxweynha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kooxda Mooshinka wada ayaa waxay ku doodayaan iyaga oo marmarsiiyo uga dhigaya mooshinkooda  ”    madaxweyne Farmaajo ma ahayn inuu   dhexdhexaad ka noqdo  Khilaafka Carabaha ee waxay ahayd inuu  uu si toos ah u  taageero kooxda uu hogaaminayo Sacuudiga”

Mooshinka ayaa waxa  madax   ka ah Madaxweynaha Koonfur galbeed  Shariif Xasan  iyo Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur galbeed.  oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya. Mooshinkan bilowga ah ayaa sidoo kale waxa qayb ka ah  kooxdii dib u socodka ahayd oo mucaaradka noqday markii ay danahooda  gaar ahaaneed  ay ka waayeen xukuumadda R’aisawsaare Kheyre.

Image result for shariif sakiin

Mooshinkan Muqdisho laga wado,  waxa dhinac socda Koox xag jir ah,  oo umadda Soomaaliyeed  meel kasta oo  ay joogaan ku  dilaya , intooda badanina  waxay ka soo jeedaan maamulka Koonfur galbeed. Sababtuna waxay tahay  Madaxweyniha Koonfur galbeed  Shariif Xasan maanta ilaa maalintii dawlad Soomaaliyeed  Carta, Jabuuti   lagu soo dhisay, isagu   wuxuu waqti badan gelinayey   Mooshino, musuqmaasaq iyo sidii  Qaran Soomaaliyeed uu lugihiisa  marna ugu istaagi lahayn  . Maanta shaqada uu Muqdisho ka wado waa midii uu soo samaynayey 17 sano, oo mar walba uu fal guracan  oo qaran dumis ah ku kacoba  ay umadda Soomaaliyeed  ugu abaal gudayeen  darajo ka  saraysa tii  hore , Sida Gudoomiye Baarlamaan. wasiirka Maaliyaddeed  iyo hadda uu yahay madaxweynaha warshadda Alshabaab ee Koonfur galbeed.

Xildhibaanadii  Baarlamanka Koonfur galbeed ee la doonayey inay wax ka badelaan nolosha Dadka reer Koonfur galbeed , iyaguna waxay ku mashquulsan yihiin  amni xumo ay  ka wadaa maamulka Jubbaland.

Xildhibaanadii federaalka Soomaaliyeed  ee ka soo jeeday Koonfur galbeed,  waa kuwa abaabulaya mooshin kasta oo laga keeno madaxda Soomaaliyeed. Waxayna u badan yihiin niman u soo shaqo tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Tusaale Qaraxii ugu danbeeyeyee  ninkii ka  fuliyey magaaxidii ku taalay   magaalada Muqdisho oo dadka bada oo Soomaaliyeed oo afurayey ku xasuuqay, wuxuu ka soo jeeday Koonfur galbeed. Wuxuu ku soo koray Guri Xildhibaan ka soo jeeda Koonfur galbeed.  Xildhibaankaas Markii danbena noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Arimahan aan  kor ku soo xusnay oo dhan waxay tusaale u yihiin  m’asuuliyad xumada ka jirtta Maamulka Koonfur galbeed iyo Siyaasiyiinta Koonfur galbeed inay yihiin Calool u shaqaystayaal aan cidna u shaqayn oo umaaddii la doonayey inay badbaadiyaan  ama ay  wacyi geiiyaan ka doorteen  halka uu  Bariisku ka bisil yahay maalintaas

In badan ayaa Warbaahinta Soomaaliyeed waxaad ka maqasheen Odayaasha beesha Raxanweyn oo been sheegaya oo  leh dadkayaga ayaa  Puntland  lagu xasuuqaa ama lagu cunsuriyeeyaa  , iyaga oo ujeedadoodu tahay  inay dadkooda ku  kiciyaan si ay alshabaab ugu biiraan     ama  ay tahay baaq dahsoon oo ay   siyaasiyiintooda ugu baaqayaan inay mooshin keenaan si maalmo loo qaxweeyo

Ugu danbayntii marka  danbe oo aad  maqashaan siyaasiyiinta Raxanweyn iyo Odayaasha Digil oo Miirfle oo leh dadkayaga ayaa lagu cunsuriyeeayaa ama lagu xasuuqaa Puntland.  waxaad xasuusisaan in xasuuqii  ka dhacay Afurur ay sabab u ahayeen mooshinadooda iyo siyaasad xumadoodu  madaxda Koonfur galbeed ay dadkooda kula kaceen,  oo shacakoodii ay  ka doorteen  Doolar.

Dawladda Puntland, Shacabka Puntland, maamulka gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso, laamaha amniga Puntland iyo dadkii Af urur lagu xasuuqay beelahii ay ka soo jeedeen iyaga oo ilaalinaya Islaanimada, Dawladnimada  Soomaalinimada, wada noolashaha, is dhex galka iyo ma’suuliyadda ka saaran umadda Soomaaliyeed waxay ka gaabsadeen inay sheegaan ama ay   baahiyaan xasuuqyada iyo dilka Puntland lagu hayo dadka ugu badan oo fuliyaa halka ay ka soo jeedaan.  Iyaga oo og intooda badan halka ay ka soo jdeedaan.

ALLSANAAG.COM

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*