29th March 2024  admin  Category :

Kismaayo oo aan Loo Kala Harin Soo Dhoweynta Sayid Axmed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole iyo dadweyne kale ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

sidoo kale Madaxweynaha waxaa bartamaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafada kula hadlay Aqalka Martida ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Dalka kenya uu ahaa mid shaqo oo halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla markana uu kala hadlay sidii tageerada ay siiyaan soomaaliya ay usii labo jibaari lahayeen.

Dhinaca kalana Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu la kulmay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee halkaas ku nool gaar ahaan odayaasha iyo dadka waxgaradka ah.

Madaxweyaha oo ka hadlay arimaha doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah in loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo daganaan ay ugu dhamaan lahayeen howlaha la xiriira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markana looga danbeeyo gudiga xuduudaha iyo Doorashooyinka oo howshaas gacanta ku haya.

Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo midnimadooda ay adkeeyaan si howlaha la xiriira doorashooyinka aanay u khalkhal galin nabadgalyada iyo Nolosha dadweynaha.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in xoraynta dalka ay tahay masuuliyad la wada leeyahay gaar ahaan Jubbaland ayuu sheegay in dhankeeda ay diyaar u tahay sidii howlgalo midaysan loo qaadi lahaa.

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*