28th March 2024  admin  Category :

Soomaaliya ma leedahay sharciga ciqaabta Khiyaano Qaran haddise ay leedahay maxaa loogu qaadi waayey danbiilayaasha gala?

Dal kasta oo ka mid ah caalamka, oo ka mid ah kuwa soo koraya ama kuwa horay u marayba waaxa ay  leeyihiin shaci lagu qaado qofka dalkiisa ka gala  khiyaano Qaran.

Khiyaano Qaran waa qofka qaranimada dalkiisa kala dhantaalya, isaga oo ushaqaynaya canaasiir iyo dawlado kale ama isku daya inuu afgembiyo dawladii jirtay ee dalkaa ka shaqaynaysay markaas .

Ururka Alshabaab iyo madaxda beesha Isaaq ka soo jeeda oo  ka mid ah dawladda Soomaaliya ama kuwa xilal horay uga soo qabtay labaduba waxay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan duminta Qaranka Soomaaliyeed. Waxayna gacanta kula jiraan Khiyaano qaran.

Madaxda beesha Isaaq ee ka midka ah dawladda Soomaaliya ee u sheeqaya Ururka Canaasiirta ah ee SNM, ee doonaya inay Qaranimada Soomaaliya wiiqaan , kala goooyaan una shaqeeya dano shisheeyo ilaa hadda ma jiro sharciga khiyaano Qaran ee lagu qaaday ama mid ka mid ah oo xabsiga loo dhigay denbigaas uu  ka  galay Qaranka Soomaaliyeed  ama looqa qaaday shaqadii uu u  hayey Qaranka Soomaaliyeed debbiga uu ku kacay.

Labaddii wasiir ee arimaha dibada ee dalka Soomaaliya soo maray Oomaar iyo Buubaa labaduba maanta waxy u shaqeeyaan Jabhadda SNM, waxayna uga fursad badan yihiin Soomaalida inteeda kale inay si xor ah u  booqdaan Villa Soomaaliya  xilliga ay doonaan ayna ula kulmaan madaxda Soomaaliyeed kii ay doonayaan oo ay isku hayb yihiin ama ka shaqaynaya dantooda guracan

Ugu danbayntii waxa nasiib xumo ah, oo ay umadda Soomaaliyeed ku  sii kal fogaynaysaa in maanta   Raaisawasare ku xigeenkii Soomaaliya uu Villa Soomaaliya kula kulmayo nin ku kacay Khiyaano Qaran oo xilalaka ugu sareeya  ka soo qabtay maamulka SNM  ee dhiiga badan ee Soomaaliyeed Isir nacayb ugu  daadiyey Waqooyiga Soomaaliya

https://allsanaag.com/xildhibaanka-reer-waqooyi/

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*