29th March 2024  admin  Category :

Ra’isawsaare Kheyre oo ku sugan hotelka Tropical Village ee xaafadda Dayniile

Ra’isul Wasaaraha dawladda federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta barqadii gaaray degmada Dayniile ee gobolka Banaadir halkaasoo sii diiran loogu soo dhoweeyey.

 

Waxaa Raisul-wasaaraha ku wehliya booqashadiisa masuuliyiin ka tirsan dowlada oo isugu jira maamulka gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Raisul wasaaraha iyo xubnaha la socda ayay wararka qaar sheegayaan iney halkaas ku leeyihiin kulan looga hadlayo amaanka kaasoo ay ka qeyb galayaan guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamada amaanka qaarkoood.

Intii Raisul wasaaraha & wafdigiisa ay joogeen degmada Dayniile ayaa waxay booqdeen qeybo ka mid ah degmadaas, iyadoo xaflad lagu soo dhoweynayo ay haatan ka socoto hotelka Tropical Village oo ku yaalla degmadaas, waxaana dhinaca kale si weyn loo xoojiyey amaanka degmada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*