29th March 2024  admin  Category :

Akhriso: 5 arimood oo caddeyn u ah in KHEYRE iyo Farmaajo aysan isku mowqif ka ahayn hadalkii ra’iisul wasaaraha

1 – Kheyre kolkii uu hadlayey waxaa ka muuqday hadalkiisa go’aan ah in doorasho la qabto noocii ay doonto ha noqotee uusan ahayn mid isaga iyo Madaxweynuhu isla ogyihiin, wuxuuna ku koobay golihiisa fulinta.

2- Waxa uu meesha ka saaray qodobkii ahaa in doorasho qof iyo cod ah (One man one vote) dooorasho ah ay dalka ka dhacdo, baddelkeesa waxa uu yiri doorasha loo dhan yahay, sida ugu macquulsan ku dhacda!

3 – Kheyre waxa uu isticmaalay ereyga Villa Somalia laga neceb yahay ee ah “Saamiley”( Stakeholders) doorasho ay ku wada qanacsanyihiin, taas oo meesha ka saaraysa in kaliya dalka lagu hoggaamiyo qodobbada sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, guddiga madaxa-bannaan iyo baarlamaanka in loo daayo howsha.

4- Arrinta kale ee lagu ogaan karo kala aragti-duwanaanta waa in hadalka Kheyre aysan soo dhawayn, ka hadlin ama dareenkooda aysan dadka la wadaagin la-taliyayaash Madaxweynaha, warbaahinta xafiiska Madaxweynaha iyo Xildhibaannada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

5- Ciddii xasuusata waraysigii Madaxweynaha looga qaaday Addis Ababa, Madaxweyne Farmaajo waxa uu sharci-darro ku tilaamay doorashooyinkii dadbanaa ee 2016-2017 dalka ka dhacay, halka Kheyre u muuqdo in uu u ololeynnayo doorashadii 2016 oo wax lagu kordhiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*