16th April 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadkii beesha Isaaq ayaa bilaabay dilkii ay balan qaadeen

Sadex qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen tuulada Dharkayn-geenyo oo 75Km galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool,  kadib markii maleeshiyaadka Beelaha Isaaq ee SNM ay  soo weerareen

Sadexda ruux ee dhimatay,  ayaa labo ka mid ah waxay ka soo jeedaan maleeshiyaadka SNM ee beelaha Isaaq ku midaysan yihiin, halka qofka kale oo dhintay  uu ka soo jeedo degaanka gardarada lagu woo weeraray hadana waxaa dhacday waqti yar ka dib rasaas badan, waxaana goobtii oo ahayd xudunta magaalada isugu yimi ciidan xoogleh, waxaana lay sheegay 3 askari in ay dhinteen” sidaa waxaa yiri Maxamed Cali oo degaankaasi jooga waxaana uu intaas ku daray in rasaasta bilawgeeda ay lahaayeen dad degaanka ka soo jeeda.

 

Maleeshiyaadka SNM,  ayaa markii danbe  gaadhay Tuulada Saaxdheer oo ah xarunta Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac oo iyagu la shaqeeya maamulka beelaha Isaaq.

https://allsanaag.com/6409-2/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*