18th April 2024  admin  Category :

Dalka Soomaaliya hoggaankiisa kala duwan ee heer federaal iyo mid maamul goboleed dhammaantood ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba tusay ineey yihiin kuwo masaalix gaar ah ay dabbada ka wada riixeeyso oo aan laheeyn hoggaamin dhab ah si loo samatabbixiyo dalka uu burburka daashaday.

Waxaa intaas dheer, dad hoggaanka dalka soo qabtay iyo kuwo sheeganaya ineey yihiin aqoonyahanno Soomaaliyeed oo la kalla safan labadda dhinac ee is haya. Waxaad arkeeysaa kuwo qoraalo soo dhigaya Baraha Bulshada iyo kuwo idaahadaha wareeysiyo siinaya oo kala taageersan labbada dhinac ee is haya; qaar waxeey leeyihiin Farmaajo ayaa saxsan, meesha kuwa kallana ay leeyihiin Rooble ayaa ku leh oo dariiqii saxda ahaa ku taagan.

Intaas waxaa dheer, dastuur meel uu u socdo iyo meel uu ka socda aan la garaneen oo lagu illaaway miiska una baahan dhammeeystir ayaa isna qeeyb ka ah in madaxa la isla sii gallo. Marka la is qabsado, qof kasta waxa uu kala soo baxayaa dastuurka qodobada uu is leeyahay weey kuu shaqeenayaa. Waxaana ayaan darro ah in dawlad kasta oo timaada xafiiska ay iyana dan ka laheeyn dhammeeystirka dastuurka si loo hello dastuur cad oo aan laheeyn wax mugdi ah, kallana jiheeynaya madaxda qeeybaheeda kalla duwan.

Si kastaba ha ahaato, dalka Soomaaliya ayaa ah dalka kaliya ee adduunka loo soo qaato tusaalayaasha ugu xun-xun, taasna waxaa sabab u ah hoggaan xummaanta ka jirta dhinca kasta. Bal fiiri maanta waxa la isku heeystaa waa gabadh ineey nooshahay iyo ineey dhimatay aan la xaqiijin karin, markaas ayaa la rabbaa in boqollaal oo maanta noloshooda iska baacsanaya in fawdada la abbuurayo ay ku dhintaan, meesha shacab badana la doonayo in la qixiyo.

Hadaba, gabadha arrinteeda la isku heeysto ayeey habboontahay in reerkeeda ay hellaan caddaalad, balse waa in la iska illaaliyaa kalluumeeystada siyaasadda ee dooneeysa ineey wax ka dhex raadiyaan arinta gabadha, waana in laga feejignaadaa damacooda aadka u xun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*