18th April 2024  admin  Category :

Maalmahan waxaa laga soo sheegayey dhul badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya anyax ku habsaday dhulkii xoolaha ay daaqi lahaayeen iyo beerihii. Hadaba, Soomaalida ayaan garaneen qaabka loola dagaalamo ayaxa, marka uu ayax ku habsado deegaankana waxaa loo qeeylo dhaansadaa beesha caalamka si loogu keeno dawooyin lagu buufiyo.

Hase ahaatee, ayaxa ayaa loola dagaalamaa qaabab badan, balse waxaa jira qaabab fudud oo ayaxa gebi ahaantiisba lagu qaban karo taas oo laga adeegsado wadamo badan oo Afirka ku yaal oo ayaxa uu ka yahay sida hilibka. Qoosas badan oo ku nool wadamada Afrika ayaa ka soo saarta nolol maalmeedkooda ka ganacsiga ayaxa.

Ayaxa soo galla dalka Soomaaliya ayaa ay habboon tahay in inta la qabto dabadeedna loo dhoofiyo wadamada Afrika ee aadka looga cunno ayaxa, waxaana ka soo xaroon kara dabcan lacag badan, balse su’aasha waxeey tahay, Soomaalidu shaqo diyaar ma u tahay?

Si kastaba ha ahaatee, muuqaalka hoose waxaad ku arki kartaa hab fudud oo ayax loo dabayo, iyadoo aan la adeegsaneen wax sun ah iyo kiimiko toona. Waxaa loo baahanyahay oo kalliya fuustooyin, jiingado iyo matoor leerarka lagu shido, waxaana hawsha la fullinayaa marka ay tahay habbeenkii.

Muuqaalka labaad ee hoose waxaad ku arki kartaa qaab kalle oo xabad loo adeegsanayo ayaxa taas oo ah dabcan mid aan xal keeneen. Ayaxa marka lagu furo rasaas waxa uu ka cararayaan shanqarta xabada, laakiin waa uu soo noqonayaa ama meelo kalle ayuu ku degayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*