18th April 2024  admin  Category :

Juxa oo soo bandhigay afar arrimood oo lagu xusuusan doono Kheyre

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumaddii hore Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadly afar arrimood oo lagu xusuusan doono Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Mr Juxa oo ka mid ahaa Wasiiradii ugu horreeyay ee uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaare Kheyre horaantii sanadkii 2018 ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray in Xasan Cali Kheyre afar waxyaabood oo taariikhda siyaasadda uu ku galay.

Maxaa lagu xasuusan doonaa Raysal wasaare Khayrre?

Afar wax oo muhiim ah oo uu taariikhda siyaasadda Soomaaliya ku galay ayaa ah:

1. Raysal wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ilaa iyo 1960-kii (saddex sano iyo bar).

2. Raysal wasaarihii ugu dhowaa muddo xileedkiisa Madaxweynihiisa oo ay xafiisyadoodu isku milmeen in kabadan intii loo baahnaa.

3. Raysal wasaarihii ugu horreeyey oo lagu eryo 7daqiiqo oo aan laaluush lagu bixin. (Ugu miisaan siyaasadeed yaraa).

4. Raysal wasaarihii ugu horreeyey oo loo diido inuu xil wareejo, isagoo jooga oo weliba warqad rasmi ah oo codsi ah gudbistay.

Waa iska xaal adduun.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*