16th April 2024  admin  Category :

Dowladda Federaalka ayaa $1.5 Million kaga qeyb qaadanaysa dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo

Dowladda Federaalka ayaa $1.5 Million kaga qeyb qaadanaysa dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, lacagtaasi oo qeyb ka ah lacagaha EU ugu deeqday Soomaaliya, ayaa loo gudbinaya Puntland si Wadada loogu daro.

Kulan xalayto ka dhacay Muqdisho oo uu ka qeybgalay Ra’isalwasaare Kheyre ayaa lagu go’aamiyey lacagtan, waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheybta xildhibaan Jamal Xasan, Wasiirka Beeraha Siciid Ciid, Senator Saciido iyo Ganacsade Cumbul oo ka socday guddiga Wadada Ceeldaahir.

Lacagaha loogu deeqay Dowladda Soomaaliya ayaa saami looga qorsheeya maamulada, waxaana lacagtan oo labada dhinac u garteen Wadada ceeldaahir, ay qeyb ka tahay Saamigii Puntland ugasoo aadey lacagta EU bixisay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*