26th March 2024  admin  Category :

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo sagootiyey M. hore Gaas

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdi rashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta sagootiyey Madaxweynihii hore ee DPL Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo safar ugu baxay dalka Kenya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa sagootinta Madaxweynihii hore DPL waxaa ku wehelinaayey Xildhibaano, saraakiil ka tirsan Golaha Wakiillada, La-taliyeyaal Sare oo ka tirsan Baarlamaanka iyo Wakiilka Dawladda Puntland ee dalka Kenya Maxamed Rashiid Fagalade.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u rajeeyay safar kheyr qaba Madaxweyne Gaas oo muddo 6 bilood ka badan ku sugnaa gudaha dalka.

Madaxweynihii hore ee DPL Dr. Cabdiwali Gaas ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, isaga oo dhanka kalena shacabka Puntland guud ahaan ku dhiiro-geliyay inay adkeystaan amaanka dalka, horumarka iyo wada-jirka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*