18th April 2024  admin  Category :

JARIIF BA’AN OO KA SOCDA XEEBAHA GOBOLKA GUARDAFUI

Wararka ka imaanaya xeebaha Gobolka Guardafui ee Puntland, ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay halkaasi lagu arkayay doonyo iyo maraakiib jariif ah oo fara badan, kuwaas oo jillaabanaya kalluunka noocyadiisa kala duwan.

Xeebaha Degmooyinka Gumbax iyo Bareeda ee Gobolka Guardafui, ayaa kamid ah meelaha jariifka ugu ba’an laga soo sheegayo, waxaana arrintaas cabasho xooggan ka muujiyay Kalluumeystada Degaanka.

Inkastoo Jariifku horay uga jiray xeebaha Puntland, gaar ahaanna Guardafui, haddana waxa ku soo biiray doonyo iyo maraakiib horleh oo  jariif ah, kuwaas oo xaalufinaya khayraadka Badda, sida ay sheegeen Kalluumeysatada qaarkood.

Sidoo kale, Kalluumeysatada ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyay in ay rukhsad siisay doonyaha jariifka qaarkood, islamarkaana ay lacag ka sameeyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*