16th April 2024  admin  Category :

Mahad Salaad iyo kooxdiisu ma hadday jeclaadeen The Ogaden National Liberation Front?

Mahad Salaad iyo kooxdiisa  ee mucaaradka  ku ah dawladda Soomaaliya     uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa waxay umadda Soomaaliyeed maanta ka dhaadhicinayaan inay ka wadanisan yihiin,  ka dal iyo dad  jecel yihiin  madaxweyne Farmaajo.

Kooxdan umadda Soomaaliyeed maanta ka dhaadhicinaysa inay Farmaajo ka dal iyo dad  jecel yihiin:

Waa kooxdii la socotay Caydiid  sanadkii 1991, oo taariikda inta la ogyahay ahayd markii ugu horaysay ee ummad Soomaaliyeed oo milyan gaaraysa  lagu xasuuqay qabiilka ay ka soo jeedaan.

Waa kooxdii sida cad ugu doodi jiray in la bedelo magaca  The Ogaden National Liberation Front. Iyaga oo diidanaa  magaca Ogaadeen.

Waa kooxdii maalintii Cabdulaahi Yuusuf madaxweynha noqday la magx baxday Isbedel doonka iyo Maxaakiimta

Waa kooxdii markii umadda Soomaaliyeed ee Jubbooyinka ku nool ee dhowrka milyan ah maamulka loo samaynayey kaga doodayey warbaahinta in Jubbooyinka lagaga   soo duulay Kilika shanaad, Iyaga oo ula jeeday in Ogaadeen ku soo duulay Jubbooyinka.

Ugu danbayntii Abdikariin Qalbi Dhagax  waxaan u rajeenaynaa in xoriyadiisa dib u helo. Waana in la canbaareeyaa wixii falkan afduubka ah  sameeyey, Hase ahaatee Mahad Salaad iyo kooxdiisu waxay hadda wadaan waa sheekaddii ay ku bilaabeen Maxamed Siyaad Bare iyo Cabdulaahi Yuusuf. Arinta Qalabi dhagax  iyo Maraykan ayaa dad KU  xasuuqay Soomaaliya  waa Awr ku kacsi la doonayo in dawladda maanta jirta lagu burburiyo. Waxaadna arintan ku ogaan kartaa kablalax Daarood oo uu ka soo jeedo Qalbi dhagax  dawladda ay ka war sugayaan waxay arintan ka tiraahdo. Hase ahaatee Mahad Salaad aiyo beesha Habargidir waxa u muuqatay fursad ay dadka ku kiciyaan. Shacabka ma khaldi karaan rag dantooda kadhex arkay Qalbi dhagax xagee jirteen markii dhaantada jigjiga lagu tumanayey,markii Adisababa laga soo campaign gareynayey,markii Gabra xafiiska kulahaa Madaxtooyada,markii Somalia ahayd gobol yar oo Ethiopia kamid ahayd,markii madaxweynaha bil walba uduuli jiray Adisababa,maanta taas majirto,ninkii rabaa inuu sidaa kursi kuhelo ha soo gurguurto.

Somalia hal nin baa ladhiibay wey kaweyntahay waxaana ninkaas dhiibay xertii Adisababa,madaxweynaha shaqo kuma leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*