18th April 2024  admin  Category :

In Puntland laga siiyo Caare iyo ciidankiisa xarun laga jabhadeeyo waa arrin aan meesha ku jirin, ahna waxaan loo baahneen.

Maamulka Puntland haddii ay siinayaan magangelyo ciidanka ka soo baxsaday dulmiga waa mid furan, waana arrin ay tahay in la soo dhaweeyo.

Hadaba, in jabhad lagu ururiyo Puntland gudaheeda waa mid hoos u dhigeeysa sumcadda Puntland, Puntlandina ma ahan in laga dhigo meel jabhadaha laga soo aas-aaso.

Teeda kalle, yaa aamini kara ciidanka meesha lagu ururinayo? Miyeeysan suurtagal aheen in ay berrito la yimaadaan ciidankaas dhibaato?

Haddii maamulka Hargeeysa ay iyagu soo diraan Shabaab iyo argagixiso kalle unna soo dirraan Puntland, waxaa habboon in la iska celliyo, waxaana dhab ah in Puntland iyo shacabkeeda ay isaga fillan yihiin cid kasta oo la soo raadsata dagaal iyo daandaansi.

Hadaba, maamulka Puntland waxaa habboon ineey dib u eeggaan siyaasada ku aadan arrintaan jabhadeenta ah, waana in badalkeeda la siiyaa nimankan ka soo baxsaday Hargeeysa magangelyo siyaasadeed.

https://youtu.be/S0F9Aqr5OZs

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*