18th April 2024  admin  Category :

Ethiopia ayaa saaka Dayax gacmeedkeedii ugu horeeyey hawada u dirtay

Dayax gacmeedka oo lagu magacaabo ETRSS-1 ayaa saaka subax waxa laga dirayaa xarun magaalada Beijing ee caasimada Shiinaha ujirta 400km.

Xarunta Dayax gacmeedkan laga maamulo ayaa noqonaysa duleedka magaalada Addis Ababa ee Indodo, halkaas ay diyaar kuyihiin khubaro Itoobiyaan ah oo la socon doona dhaq dhaqaaqa iyo xogaha Dayax gacmeedka laga heli doono iyo sida looga faaiidaysan karo.

Waxkayar 30 daqiiqo ayuu satellitekani saldhig kadhigan doonaa hawada sare oo dhulka ujirta 700km, waxaana loo adeegsan doonaa hawlaha isgaadhsiinta, tabaca dalaga, ilaalinta deegaanka iyo uruurinta xogaha biyaha dhulka hoostiisa iyo korkiisa kujira.

Mashruuca dhismaha satellitekan oo mudo sanado ah kahor labilaabay ayaa haatan noqonaya midkii uhoreeyay ee Itoobiya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*