29th March 2024  admin  Category :

Akhriso Mahdi Yuusuf Dhuux oo talo wax ku ool ah u diray madaxweynaha cusub ee Puntland.

Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa ku sheegay in shacabka Puntland qaybihiisa kale duwan ay si ballaaran usoo dhaweeyeen madaxweynaha cusub ee dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland 2019-2023ka.

Mahdi Yuusuf Dhuux ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ka filayo madaxweyne Deni inuu qaban doono shaqo fiican meel wacana uu gaarsiin doono Puntland mudada uu xilka hayo.

Mahdi ayaa qiraalkiisaa farta ku fiiqay halista kooxda Aaran Jaan, Faroole iyo wiilashiisa oo la filayo inay iska horkeenaan madaxweynaha shacabkiisa.

 

Hoos ka aqriso qoraal uu Mahdi Yuusuf Dhuux soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay:

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND MUDANE DR SICIID C/LAAHI DENI

Madaxweyne Deni waxaa calafkaa noqday oo laguu doortay hogaankii ugu sareeyey ee bulshada reer Puntland, marka hore hambalyo, kadib waxaan Allah kaaga baryayaaa inuu kuu fududeeyo xilkaas culus ee laguu doortay.

Marka xiga dhamaan waxgaradka iyo shacaka reer Puntland iyo qaybihiisa kala duwan way kusoo dhawaynayaan, ha yeeshee waxaan rabaa in aan kuugu daro dar-daaran kaas oo ah in aadan labo arimood oo aan isqaadi karin aadan meel isugu gayn.

1- Waxaan kaaga digayaa shirqoolada iyo dib-daabyada Faroole iyo kooxdiisa Aaran Jaan, kuwaas oo shacabka reer Puntland ay horay khaati bilaahi uga taagnaayeen aqoon fiicana ay u leeyihiin.

2-Mashaariicdii ka socotay guud ahaan Puntland, haday noqoto kuwo isku tashi ah oo shacabka reer Puntland ay gacmahooda iyo hantidooda ku samaysanayaan ama kuwo deeq lagu helay oo nooc walba ha ahaadeeene in aadan farogelin oo aysan gacantaada eersan oo aadn ku bedelan fulin dan gaar ah cid walba ha la haatee.

Waxaan tusaale halkan ugu soo qaadanayaa sadex mashuur oo waa wayn oo Puntland ka socda hadda, oo labana shacabku Isku Tashigooda ku socfda midna Mashruuc deeq lagu helay uu yahay, kuwaas oo kala ah:

1- Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo
2- Mashruuca Wadaagsin oo ka kooban dhismaha wado iyo dekedda Garacad

Labadaas Mashruuc waxay hadda ku socdaan oo meel fiican ku marayaan si ah Isku tashiga daweynaha, DENIYOOW YEYSAN KU EERSAN, oo in aad u qareento oo aad wax darto ma ahee iska jir in aad taakayso ama burburiso, waana xanta koowaad ee lagugu xamanayo.

3-Mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Mashruuca sadexaad wuxuu ku yimid deeq, waxaana lagaa filayaa in aad sida ugu dhaqsaha badan ku hirgaliso adoo ay shacabkaaga kaa sugayaan taas.

Waxaa dadweynaha reer Puntland kaa rajaynayaan waxqabad muuqda oo aad soo kordhiso iyo wixii hore u socday oo aad horay usii wado, waxayna diyaar kuula yihiin inay kugu taageeraan sidii aad u gudan lahayd shaqada laguu igmaday.

 

Mahadsanid mudane madaxweyne


W/Q: Mahdi Yuusuf Dhuux

https://www.facebook.com/mahdi.y.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*