28th March 2024  admin  Category :

ILLEEN DAD NAGA WAALAN BAA JIRA !!

Xilligii Maxamed X. Ibraahin Cigaal Madaxweynaha ka ahaa Somaliland baa waxa u tegey nin Reer Maakhir ah oo ku magcawnaa Guddoomiyaha Badhan.
Ninkii baa Cigaal ku yiri: ” Waxan u baahnahay hub iyo ciidan.”
Cigaal baa ku yiri: ” Maxaad ciidanka iyo hubka ku falaysaa?”.
Ninkii baa yiri: ” Xaduudda Somaliland baan soo xidhayaa.”
Cigaal baa inta ku qoslay ,yiri : ” Illeen dad aan Isaaq ahayn oo nagasii waalan baa jira !!”.

Waxa taas ka horraysey , 5tii May, 1991 kii baa Guddoomiyihii SNM, C/ Raxmaan Axmed Cali(Tuur) la kulmay qaar ka mid ah ergadii Wersengeli ee Burco joogtey xilligaa. Tuur wuxu ka xanaaqsanaa guurtida beelaha Isaaq oo guurtida Harti qasab iyo caga- juglayn ku ogolaysiisay goonni- goosadka Somaliland habeenkii ka horreeyey (4/5/91).
Tuur baa odayaashii Wersengeli ku yiri: ” Beesha Isaaq dagaalkii kama burburin,magaalooyinkii iyo dhaqaalihii keliya, caqligiina waa ka burburay oo waa wada waalan yihiine, maxaad uga yeesheen goonni- goosadka aan maangalka ahayn!!?”.

Hadallada C/ Raxmaan Tuur iyo Cigaal wax badan baa ka jira kolkaad fiiriso habdhaqanka iyo hadallada Siyaasiinta Isaaq ee Feysal C. Waraabe hormuudka ka yahay.
Intaba waxa kasii waalan rag jooga Bariga Sanaag oo iyagoo dhegeystay farriintii Nuux Taani, weli kooxo Marya- calas ah meelahaa gaardisiinaya ama shirar jaraa’id qabanaya oo leh ” Muusa Biixi baannu salaan ka sidnaa iyo dalka iyo dadku waa .Somaliland”.
Waxan maqli jirey, Cadduur dhaw dhawdu uma dhicin.
Yuusuf Belbel, wuxu dhihi jirey ” Warlaawe, dhimo, adaa warheli eh.”

By: Maxamuud Axmed

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*