29th March 2024  admin  Category :

Hooyo Khadiijo C/llaahi Daleys oo ku geeriyootay dalka Canada

Allaha u naxariistee waxaa dalka Canada ku geeriyootay Fanaanadda Soomaaliyeed Khadiijo C/llaahi Daleys oo ka mid aheyd fanaaniinta caanka ah.

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd fanaaniinta Hobolada qaranka Waabari, waxaana lagu xusuustaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay.

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeya ee heesa, sidoo kale waxaa la sheegaa inay aheyd gabadhii u horeeya ee heesta gabdhaha ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

Waxaa ay sanadkii 1936 ku dhalatay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa ay aheyd fanaanad waddani ah oo jecel Soomaaliweyn,

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Moqdisho, waqtigaas oo uusan jirin aalada duubista waxey sameyn jirtey inay timaado idaacada ayey si toos ah (live) u qaadi jirtey heesaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*