28th March 2024  admin  Category :

Beesha Biciidyahan ee Majeerteen iyo Isaaq  yaa ku badan ama ku degaan weyn Somali galbeed?

Hadalkii uu dhowaan Madaxweynaha la soo xulay Mustafe Cagjar,  uu ka hor sheegay golaha baarlamaanka Soomaalida Itoobiya ee ahaa waa ” inaan ku dayanaa dimoqraadiyadda Somaliland”, wuxuu khatar ku yahay Hartiga dega Somali galbeed

Marla hore Somaliland Dimoqraadiyadi kama jirto ee waa hoyga lagu kobciyo argixisada Soomaaliya.

Marka labaad, maalintaa uu hadalkan   Mustafe Cagjar ka hor jeedinayey Baarlamaanka degaanka , waxa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool   lagu  aasayey dhalinyaro isgu jiray  gabdho  iyo wiilal oo ka soo jeeda Beesha Dhulbahante oo  ay ku dileen maamulka Somaliland, ciidan ka amar qaata

Dhalinyaradan Dhulbahante ee  maamulka  Mustafe Cagjar ku  sheegay  inay  demoqraadiyad yihiin ku dilayeen  degaanadooda, ayaa intooda badan waxy degaan dhulka   Howdka ah ee Itoobiya.

Dhulka Howdka oo intiisa  badan ku yaala  Itoobiya, beelaha degaana  ay u badan yihiin beelaha Harti, oo inta taariikhda la ogyahay ku sugnaa degaanadaas  ilaa Xilliyaddii Axmed Guray oo ay halkaa u yimaadeen  inay degaanadaas  difaacaan,  kana  soo duulay degaanka Maydh ee gobolka Sanaagt.

Waa Ixtiraam daro, aqoon yari, seedinomo uu raali gelinayo reerka uu ka qabo  iyo fudayd uu ku kacay Mustafr Cagjar inuu buun buuniyo Beel Soomaali inteeda kale doonaysa inay ka goostaan, kuna khasbaya, dilaya , xasuuqaya beelihii   kale ee Soomaaliyeed ee diidanaa inay ku raacaan fikirkaas guracan ee beesha Isaaq wadato

Xaqiiqada degaanka  Killilka 5aad, Hartiga ayaa uga badan Isaaqa. Maantase Isaaqu  iyaga oo ku dhuumanaya magac Direed  ayeey   doonayaan inay xaqiraan xaquuqda beelaha Harti ee degaanadaas ha ahaato  mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba. Madaxweynihii hore Cabdi Ileey arinta waa ku fahmay Isaaqa , waana ka hor yimid. Maantase  koox dhaantaynaysa uu Mustafe Cagjar hor boodayo ayaa Isaaqu fursad ka heleen waxay doonayaan in Killilka 5aad  ka bilaabaan waxay hadda ku hayaan bulshada  gobolka Sool.

Ugu danbayntii maalintii maamulka Jubbaland la dhisayeyey ee Isaaqu lahaayeen  iyaga oo kicinaya Soomaalida Koonfureed   “Jubbooyinka wa lagu soo duulay”, dadkii  u kacay waxay ahaayeen   maamul goboleedka Puntland oo Hartigu u badan yahay , qoraaladii af Soomaaliga iyo Ingiriiska u badnaa ee wacyi gelinta aha, dradkii qorayey   waxay ahaayeen  dhalinyaro Harti ah, kuwii  mudaharaadayey waxay ahaayeen Harti. Ururkii SAHAL iyaga ayaa  garab isataagay. Maanta haddi shalay Absame ka gaabiyey u gurmadaka bulshada  gobolka Sool maanta iyaga ayaa laga sugayaa xaquuqda  dadkii la socday beelahii difaaca u yimid degaanadaas  e la socday  beesha  ZAMAN BARAH, qabiilka BARZA, qabiilka YIGLEH, qabiilka GAASAAR ,qabiilka CARABTA KHAAN, qabiilka ILQE, qabiilka YABARRE , qabiilka HARTI. Sidoo kale waa inay canbaareeyaan hadalka ka soo yeedhay Cagjar oo ah hogaankii u horeeyey ee Soomaliyeed ee u ololeeya gooni istaaga Somaliland. Nin Xarashin shalay1988  cuqdad u yimid  ayaa doonaya inuu qaato xaquuqda nin  degaanka difaac ugu yimid qarnigii 14aad isaga oo u  soo gooyey 2000km uuna  gadiid cir iyo dhul toona soo raacin

 

Mustafe Cagjar kun soo dhowoow xisbigaaba Sverigedemokraterna (SD) ee  neceb isirka Soomaalida

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*