28th March 2024  admin  Category :

Shirkada Trafigura iyo maamulka Hargeeysa ayaa wadagalay heshiis; heshiiskaas ayaa ah mid shirkadaas ay shidaal ku keeneeyso deegaanada maamulka Hargeeysa, waxaana markabkii ugu horeeyey ee shidaal uu ku soo xirtay dekedda Berbera dhawaan, waxeey kaloo dhisi doonaan sida ay sheegeen haamo shidaalka lagu keediyo iyo meel maraakiibta shidaalka ay ku soo xirtaan. Hase ahaatee, heshiiska ay wadagalleen Trafigura iyo maamulka Hargeeysa ayaa ah mid aan la aqoon nooca uu yahay iyo lacagaha lagu heshiiyey midna. Hadaba, shirkadda Trifigura maxeey tahay?

Trifigura waa shirkad ganacsi oo ka ganacsata birta iyo shidaalka, waxeeyna xafiiskeeda weeyn uu ku yaalaa dalka Singapore, meesha xafiisyo kallena ay ku leedahay magaalooyinka London iyo Geneva.

Hadaba, Trafigura waxaa ku socda baaritaan ay ku heeyso dawladda Mareeykanka, gaar ahaana Hay’adda jaangooysa is dhaafsiga badeecooyinka ee (CFTC). Waxaa lagu eedeeyey shirkada Trafigura musuqmaasuq iyo in ay si aan habbooneen u ciyaarsiisay sicirka shidaalka.

Waxaana dawladda Mareeykanka ay ku wargelisay shirkadaas in ay gacanta u soo gelliyaan shaqsiyaad iyo ineey soo wareejiyaan macluumaad fara badan oo ku aadan dhaqdhaqaaqa ganacsi ee shirkadaas afartii sanno ee la soo dhaafay. Sida wargeeyska the Gurdian uu ogaaday baaritaanka waxa uu quseeyaa xarunta shirkada ee ku taal dalka Singapore iyo welliba xafiisyada Geneva iyo London.

Sidoo kalle, shirkadda Trafigura ayaa lagu eedeeyey in ay dalka Brazil ka sameeysay isdabammarin iyo bixin laaluush malaayiin doolar ah oo la siiyey shaqsiyaad ka tirsan dawladda. Qaar badan oo shirkadaas gacan ku siiyey musuqmaasuqa iyo laaluushka la bixiyey ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay danbiyada ay sameeyeen

Waxaa intaa dheer, in shirkaddan ay isddeba marin ka geeysatay dalka Iraaq xiligii ay cunaqabateenta saarneed dalkaas. Waxaana Qaramada Midoobey ay sameeysay barnaamij loogu magac daray (Oil for Food) oo dalkaas shidaalkiisa inta la iib geeyo markaas lagu soo iibinayey cunto, dawo iyo agabka kalle ee loo baahanyahay. Shirkadda Trafigura ayaa lagu helay danbi ah in ay wax isdebammarisay.

Sidoo kalle, Trafigura waxeey sun ku shubeen dalka Ivory Coast, taas oo sababtay masiibo caafimaad oo ay saameeysay dad kor u dhaafaya boqol kun oo qof 100,000. Dadkaas ayaa waxaa la soo dersay dhibaatooyin caafimaad sida qofka oo ay neeftu dhibto, xuubka jirka oo qofka holca, xanuun daran oo indhaha ku dhaca iyo qofka oo matag dareemaya mar kasta. Shirada ayaa markii danbigaa lagu helay waxeey bixisay lacag dhan soddon iyo dhawr milyan oo doolar.

Hadaba, Dawaldda Federaalka ee Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in shikadaas dalka ay ka joojiso waayoo ah ma ahan shirkad si xallaal ah u shaqeeysaneeyso, balse waa mid ku takhasustay musuqmaasuq iyo sun lagu aaso wadamada taagta daran dhulkooda, waxaana dhab ah in hadii shirkadaas ay fariisin ka sameeysato Berbera ay u sahlanaan doonto in badaha Soomaaliya ay ku shubaan sun.

Mana ahan in la iska talla gelliyo nimankaa Hargeeysa jooga ee aan cidina u naxeeyn, waxeey dadka ka dhaadhicinayaan in shirkada Trafigura ay keeneeyso aqoonsi caalami ah. Mar labbaad, Dawladda Federaalka waa in arinta shirkadaas ay wax ka qabataa, aana loo oggolaan ineey ka shaqeeyso Soomaaliya meel kasta oo ay tahay.

HOOS KA DAALACO WIXII LAGA QORAY SHIRKADAAS TRAFIGURA

https://www.theguardian.com/world/2020/may/31/trafigura-investigated-for-alleged-corruption-market-manipulation

https://www.reuters.com/article/us-petrobras-corruption-berkowitz-exclus/exclusive-first-petrobras-employee-flips-in-brazil-commodity-traders-probe-idUSKBN1ZY2DH

https://www.latimes.com/archives/la-xpm-2006-may-26-fg-oilfood26-story.html

https://www.reuters.com/article/us-brazil-corruption-oil-traders/swiss-prosecutors-search-vitol-trafigura-offices-amid-sweeping-graft-probe-idUSKBN1XV22I

Hoos ka daawo beenta shacabka Hargeeysa loo sheegayo

Allsanaag.com

One thought on “Halaga Saaro Shirkadan Dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*