28th March 2024  admin  Category :

Nimanka Gaalkacayo jooga oo lacagta   baadda ah  lagu siinayo inay reer Puntland ay  nabad geliyaan , oo madaafiicda Baraxleey laga soo tuurayo ka yareeyaan,   waxa Soomaalinimo iyo Puntlandnimo uga dhow nimanka wadani sheeganaya ee Ceerigaabo jooga. Maanta  haddii nimakaas Soomaalinimada aaminsan wada hadal loo furi lahaana in badan oo reer Mudugta Guriga madow heshiiska kula  galay Cabdi qaybdiid waa qaylin lahaayeen

Heshiska Galkacayo, Puntland waxay u martay wado khaldan, 3 wasiir oo gobolka Mudug ka soo jeedaa inay heshis noocaas ah galaan waxay ahayd wax khaldan oo aan dawladnimo ahayn  waa khalad iyo ka fiirsasho la’aan, waayo arinta Galkacayo waa masiirki Puntland, waxay ahayd in heshiiskaas ay  goob joog ka ahaadaan Odayal ka socda  beelaha Harti,  oo ah kuwa  marka Mudug lagu soo duulo  wiilashooda halkaa u diraa, si ay u difaacaan reer Mudug,    Barlamanka Puntland xubno ka socda, golaha wasiirada xubno ka socda oo isku dhafan iyo bulshada rayid ka ah.

Sida marka difaacana loo bahan yahay ay reer Puntland uga wada qayb galaan bay ahayd in heshiiskana laga talo galiyo. Arinta miyan laga rabin xal waara. Berito marka Cabdi qaybdiid iyo indho cade heshiiska jebiyaan maxaa loo sheegi doonaa reer Bari iyo Puntland inteeda kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*