28th March 2024  admin  Category :

Reer Maakhiroow Inangumeed Calanwalaynaya iyo dabadhilifyada  la socda ee reer Maakhir  sidan  ayaad uga adkaan kartaan, guushuna idiin raaci doontaa

Inangumeedkii Dhowaan lagu soo dhoweeyey magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag iyo kuwii reer Maakhir ee  Dabadhilifyada u  ahaa ee ku soo dhoweeyey  magaaladaas, waa sii ballameen maalintii shalay , waxayna ku ballameen in bisha kow iyo tobnaad ee sanadkan ay doorashada Beelaha Isaaq ay ka qabsoonto degaanada Maakhir.

Balantan ay inangumeedku iyo Dabadhilifyadu wada galeen labo arimood ayaa reer Maakhir uga  hortegi karaan oo ku fashilin karaan labadan  bilood ay balameen

Arinta kowaad  ayaa waxay tahay, in   Qof kasta oo reer Maakhir ah oo shaqeeya oo ku nool qurbaha,   maanta laga bilaabo inuu  balan qaado inuu ugu deeqayo   $1000 doolar ugu deeqayo  jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo. Sababtoo ah Isaaq iyo kuwa la socdaa waxay dumiyaan ama dilaan maahee weligood gobolka sanaag wax kama qaban. Arintani waxay kalsooni  buuxda siinaysaa bulshada degaanka, waxayna abuuraysaa midnimo bulshada dhexdeeda ah. waxayna keeni doontaa arin farxad gelisa bulshada iyo in lagu soo dhici waayo in mar labaad inangumeedyo lagu soo galbiyo gobolka.

Arinta labaad ayaa waxay tahay, in Bulshada reer Maakhir guud ahaan  laga wacyi geliyo  in Suladaan Siciid, Ninka bahogayslane ee Jiir Bulqaas, Nimanka  Nuux Cumar ee Ina Jaamac Xaamud iyo indho case , Odayga Ogayslabe Cadami, Ina Ibrahim Tuur  iyo ninka Dubays ee Cali buureed ay yihiin niman la shaqeeya  cadowga Maakhir, khatar ku ah  Saldanadda Warsangeli, doonayaana inay amni xumo degaanka ka abuuraan. Si howl yari deganka loogu  qaato.

Sawirka Shiine Culay.

Allsanaag.com

 

 

a sharaf

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*