18th April 2024  admin  Category :

Niman ayaa shirkad noqday waa si ay u wada ganacsadaan, ganacsigii ay billaabeen nimankaas wuxuu noqday mid horrumaray, shirkadoodiina waxeey gashay ganacsiyo kalla duggan kuwaas oo isugu jiray hoteelo, maqaayado, kaalmo shidaal, dukaamo lagu gado dharka, kuwo iibiya biraha gawaarida iyo kuwo gada qalabka dhismaha.

Hadaba, muddo kadib ayaa mid ka mid ah ragii shirkadda wax ku lahaa ayaa isaga oo aan ragii kalle la soo socodsiin in shirkadda uu kalla baxayo lacagtiisa, wuxuu xoog ku qabsaday qaar ka mid ah hoteeladii, kaalmihii shidaalka iyo dukaamadii kalle. Nimankii shirkadda wax ku lahaa ayaa yiri war ninyahoow haddaad rabto in aad qeeybtaada shirkadda kalla baxdo waxaa habboon in aanu wada xisaabtano si xaqaaqa laguu siiyo.

Hadaba, Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya waxeey midoobeen 1960kii, illaa maantana Soomaaliya waa hal dal kaas oo caalamka oo dhan laga aqoonsan yahay. Balse markii uu burburka uu ka dhacay dalka 1991dii, beesha Isaaq ayaa iyada oo aan la tashan Soomaalidii kalle waxeey isaga dhawaaqdeen in ay yihiin dal madax bannaan oo ka go’ay Soomaaliya inteeda kalle. Hadaba, siyaasiyiinta Hargeeysa ayaa la mid ah ninkaa raga la ganacsanayey oo isaga aan dariiqii toosnaa soo marin iska qabsaday qaar ka mid ah hantidii.

Soomaaliya kalla go’eeda waa mid ay u taal dadka Soomaaliyeed ee deggan min Raas Kambooni illaa iyo Raas Caseeyr, mana dhici karto in iyadoon la xisaabtamin in reer ay waxeey doonaan iska sheegtaan. Dadka gooni goosatada caalamka ka jirta ee aan aragnay waqtiyadaan danbe waxaa ka mid ah dadka reer Catalonia oo doonaya ineey ka go’aan dalka Spain iyo Kurdishka Iraaq oo goosasho ku dhawaaqay, balse gooni goosatadaa reer Catalonia iyo kuwa Kurdish waxaa ay beesha Isaaq kaga duggan tahay iyagu waxeey sheeganayaan dhul ay dagan yihiin qabiilo kalle oo aysan isku meel u wada socon.

Hadaba, muuqaalka hoose waxaad ku arki doontaa fikirka ay wada aaminsan yihiin gooni goosatada Hargeeysa

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*