29th March 2024  admin  Category :

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir deg deg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Qoraalka ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Golaha ayaa lagu martiqaaday afarta kale ee Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed inay ka soo qeyb galaan shirka ka dhacaya Kismaayo 3-da bisha soo socota ee September.

Shirka ayaa looga tashan doonaa danaha dowlad goboleedyada iyo kuwa Qaranka, iyadoo la sheegay in Xogheynta Golaha ay soo diyaarin doonaan ajandaha shirka.

Shirka 3aad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo dhamaadka sanadkii la soo dhaafay la dhisay ayaa ku soo aadaya, xilli dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo mad-madow siyaasadeed, gaar ahaan khilaafka Jubbaland iyo dowladda Federaalka oo sii xoogeysanaya.

Akhriso qoraalka

45b7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*