29th March 2024  admin  Category :

Gobolka Sanaag, guddi degaan oo Gaar haye ah ayuu u baahan yihiin.

Allah ha u naxariistee Garaad Maxamuud Cali Shire, inta la ogyahay Go’aan uu ka qaatay shidaal laga qodo Dawladiisii. wuxuu go’aankaas Garaadku gaaray  dhamaadkii Kontonmeeyadii 1957 ama 1958. intii  beelaha Soomaaliyeed ayna midoobin oo dawlad noqon sanadkii 1960.

Ceelka shidaalka ee ugu hadal haynta  badan maanta ( Duruufo jira awgeed  sheegi mayno halka  uu ku yaalo) ayaa Garaadku shir uu gudoominayey uu go’aan daxal gal ah ka soo saaray.

Maanta ceelkii ayaa shirkado caalami ah xiisaynayaan, hase aaatee waxa meesha ka maqan Garaadkii  go’aan qaadashada lahaa, Ardaagii Odayaasha Warsangeli ee xeel dheerayaasha ahaa oo la talin jiray  iyo Gaarayihii ayaa meesha ka maqan. Garaadku, go’aanka ka sokow, hadalkaasi wuxuu noqday Dastuur dhaxal gal ah oo haddii loo baahdo dib loogu noqon karo.

Ugu danbayntii xogo badan oo aan ognahay iyo xiisaha Khayraadka gobolka Sanaag oo la doonayo in gacanta lagu dhigo, waxaan ugu baaqaynaa Bulshada gobolka Sanaag inay Guddi degaan oo deg deg ah samaystaan, oo dhulkan quruxda badan siday u dhaxleen Garaad Maxamuud Cali Sire iyo Caaqil Dhahar  u gaarsiiyaan  jiilka soo socda. Haddii Khayraadka gobolka  la doonayo ay jiraan Guddi degaanka metesha

Dhalinyahay Dhamaanteen Dhulka Maw Shaqeynaa, Dhegxumada Ma Diidnaa

laasmaakhir

 

 

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*