16th April 2024  admin  Category :

Shaqsiyaad ayaa waxeey kalla sooci la’yihiin magaallo dal caasimad u ah iyo maggaalooyinka kalle ee dalka ka jira. Tusaale, dadka ku nool magaalada New York, Los Angeles, Minneoplis ama Atlanta Georgia oo dhamaan ah magaalooyin ka mid ah dalka Mareeykanka waxaa dhamaantood ay eeganayaan dawladda federaalka ee fadhigeedu uu yahay Washington D.C oo ah meesha dawladda federaalka ay fadhido, waxaana ku yaal Aqalka Cad ee Mareeykanka oo ay fadhiyaan madaxweeynaha iyo gollahii wasiirada, sidoo kalle, waxaa ku yaal labada aqal ee baarlamaanka.

Hadaba, waxaa soo baxay shaqsiyaad ku dhahaya Garoowe, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo weey siman yihiin. Waxaa xaqiiq ah in qofka ku nool Boosaaso uusan wax badan kalla socon waxa ka soconaya magaalada Baladweeyn ama Qoryooleey. Sidoo kalle, qofka ku nool Balad Xaawo waxba badan kallama socdo waxa ka dhacaya magaalada Hobyo iyo Berbera toona, laakiin dhamaan dadka ku nool magaalooyinkaas waxeey dhamaantood eegayaan magaalda Muqdisho.

Muqdisho ma jaceeyl beelaha qaar loo qabo ayaa loo soo eegayaa, mise waa dahab iyo dheeman laga hello darteed? Dadka sababta ay Muqdisho isha ugu hayaan waxa ay tahay oo kalliya waa  iyada oo dawladdii federaalka, hay’adihii iyo welliba safaaradiha caalamka uu fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho.

Shaqsi ka mid ah dadka qaxa ka dib indha dillaacsaday ayaa waxa uu yiri, “Waxaan Maalmahaan u jeeday Dad Badan oo Dhaleecaynaya Siyaasi DR Cabdirahman Cabdishakuur oo dhahaya muxuu u sheegtay Muqdisho, Yaab oo Xamar in La sheegto iyo IN Garoowe la sheegto Maxaa Farqi u dhaxeeya.” Qofka sidan qoraya waxaa uusan oggeen in dadka sababta ay Muqdisho u hadal hayaan ineey tahay oo kalliya dawladda meesha fadhida darteed, mana sina Garoowe iyo Muqdisho sababtoo ah Garoowe waxeey caasimad u tahay maamul goboleed, ummana ahan caasimd ummadda Soomaaliyeed dhamaantood.

Bal dadka aan kalla saari karrin farqiga u dhaxeeya caasimada dal uu leeyahay iyo magaaloyinka kalle ee dalka waxaa haboon bal in la oggaado luqada wax loogu sheegi karro in eeysan sineen Kismaayo iyo Muqdisho, ineeysan sineen Garoowe iyo Muqdisho, ineeysan sineen Jowhar iyo Muqdisho, ineeysan sineen Baydhabo iyo Muqdisho ineeysan sineen Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Dadka ka kalla yimid maamulada kalle ee ku jira baarlamaanka ama gollaha wasiirada waxeey u baahan yihiin meel ay fakirkooda u dhiiban karaan si xor ah, laakiin meel dadka aysan xor u aheen fakirkooda iyagoo ka baqaya in lagu ugaarsado magaalada dhexdeeda waa mid u baahan in ummada Soomaaliyeed ay ka tashato.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*