29th March 2024  admin  Category :

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo xabsi guri la geliyay

Ciidamo ka tirsan kuwa hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kala baxay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

Sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-shabaab, xili uu wareysi siiyay mid kamid ah idaacaddaha ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay inuu qabo fikir ah in la baaba’sho waxa uu ugu yeeray Gaalada Gafuurka weyn oo ugala jeeday Ciidanka midowga Afrika ee AMIOSM ku sugan Xerada Xalane ee dhex-taalla Garoonka Aadan Cadde.

”Al-shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan raali ayaana ka ahay in la baaba’sho gafuurta weyn ee ku jira xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ganacsade Abuukar.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Xaaji Abuukar Cumar Caddaan la geeyay guri ay ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA, wararka ayaa sheegaya in loo ogolaaday dadkii u adeegi lahaa.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska hay’adda NISA iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan xariga Ganacsade Abuukar Caddaan, xili dhawaana la xiray ganacsade kale oo la dhashay Xaaji Abuukar.

Ganacsade Abukar Cumar Caddaan ayaa ku biiraya Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya xabsi guri ku heysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*