29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u anba-baxay Magaalada Brussels ee Dalka Belgium.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 July 2018 waxaa uu safar shaqo ugu anba-baxay magaalda Brussels ee Dalka Belgium.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Safrkiisa magaalda Brussels ee Dalka Belgium waxaa ku wehelinayey qaar kamida Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyaga oo halkaas kaga qay gali doona shir looga hadlayo danaha iyo geedi socdka nabda Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka hor intii aanu ka ambabixin magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaardaha ee Gen Maxamed Abshir Aripot, ayaa waxa uu kahadalay safrkiisa iyo waxa uu ku saabsan yahay waxaana uu yiri Madaxweynuhu,

“Maanta waxaan safar u ahay magaalada Brussels ee dalka Belgium oo aan uga qayb gelayno shirka wada tashiga Soomaaliya SBS, (Somali Partener Forum), shirkaas oo ay iskugu imaanayaan beesha caalamka iyo Soomaaliya, loogana hadli doono danaha iyo geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, shirkaas wuxuu dhici doonaa 16-17 July, inshaa’Allahu maanta waxaan safar u nahay aniga iyo wafdi ila socda oo ka tirsan xukuumadda Dowladda Puntland magaalada Brussels, waxaan rajaynayaa in shirkaas guul laga soo gaaro, wadankii oo nabad ah ayaan ka tegayaa waxaan rajaynayaa in isagoo nabad ah aan ku soo laabto, intaas buu safar-kaygu ku saabsan yahay deg degna waan usoo laabanayaa inshaa allah shirku markuu dhamaado, guul iyo khayr baan idiin rajaynayaa.”

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa marka uu soo gebageboobo shirarka ay u tageen magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaa uu halkas kulamo kula qaadanayaa jaaliyada Puntland ee ku dhaqan Wadankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*