23rd October 2018  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhiga Ka Jarey Waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xadhiga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha Dowladda Puntland maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona  ay dhistay shairkad laga leeyahay Dowladda Turkiga,shirkaas oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha Waddada ayaa waxaa lagu dhisay barnaamijkii dawladda Puntland ee isku tashiga waxaana bixsay Dawladda Puntland dhammaan kharshkii ku baxay hirgelinta mashruucan oo kamid noqonaya wadooyinka ugu bilicda wanaagsan guud ahaan Puntland marka lafiiriyo tayada dhismaha waddada iyo nashqadayntaba.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xadhig jarkii waddada Waasaaraddaha ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ahoo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhindoonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Abdiweli M Cali Gaas ayaa Xariga ka jaray Waddo Laamiya oo isku xirta Wadadda Madaxtooyada & halka ay dagan yihiin inta badan Wasaaraddaha & Hay'adaha kale ee Dowladda.

Slået op af Warbaahinta Dawladda Puntland PLTV i 10. juni 2018

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*