28th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan Uu Hogaaminayo oo  Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 13 April 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport Masuuliyiin ka tirsan DFS oo isugu jirey Wasiirro iyo xildhibano, Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweyna iyo weftigiisa ayaa salka ku yahay shir ay Muqdisho ku yeelan doonaan Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladdaha xubnaha Ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaliya.

Shirka ayaa waxaa lagaga arrinsan doonaa arrimo la xidhiidh xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Dawladda Fadaralka iyo dhammaan Dawladdaha xubnaha ka ah, Amniga guud ee dalka iyo sidoo kale shirka dhowaan ka dhici doona magaalada London ee waddanka UK oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*