29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 Nov 2017 kormeeray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey garoonka diyaaradaha magaalada Gaoowe ayaa waxaa ku wehelinaayey danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Axmed Karaasha, masuuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, waxaana sidoo kale  dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalaga Gaalkacayo isna dhisaya shirkadda CCECC taas oo laga leeyahay waddanka China, isla markaana waxa ay shirkadda CCECC  dhowaan bilaabi doontaa dhismaha waddada Garoowe – Eyl iyadoo hore u dhistaytay dhismaha garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Shirkadda CCECC ayaa sidoo kale dalka ka wadda mashruuc horumarineed oo kale kuwaas oo wax tar u leh mustaqbalka shacabka Puntland iyo dawladda doodaba, ka sokow fadliga Alle ee gulahaasi waayen inoogu qabsoomeen ayaa waxaa dedaalkooda, dardargelintooda, dhirindhirintooda iyo hirgelindoodaba leh xukuumadda uu hogaaminayo  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland, Danjiraha dalka China ee Soomaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ayaa waxa ay kormeer kadib wakhti ku qaateen Hotel Garand ee Magaalada Garoowe.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa booqday xarunta warbaahinta dawladda Punrland ee magaalada Garoowe [PUNTLAND TV AND RADIO ], waxaana uu sheegay safiirku in xaruntu tahay mid shaqadeeda iyo wax qabadkeeduba caalamka oo dhan ku baahey, isla markaana bishay bilicda, quruxda iyo waanaaga dawladda Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, sigaarana hadda iyo jeer shacabka ugu ifisa wax qabadka dhaxalgal ka ah ee Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxqabadkaas oo ku qotoma dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa waxa ay kormeer ku tegeen xafiiska ay shirkadda CCECC ay ku leedahay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu safiirku kula kulmay qayb kamida shaqaalha  shirkaddaasi.

Ugu danbayn, Danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxa ay xarunta Hidda Raac Garoowe kaga qayb galeen qado sharaf  ay ku marti qaadeen madaxtooyada dawladda Puntland, waxaana ay qado sharafta kadib kulamo la qaateen qaar kamid ah masuuliyiinta hay’addaha dawladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*