29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Booqdey Dhaawicii Ciidamada Difaaca Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 17 May 2018 waxaa uu Hospitalka Guud ee Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ku booqdey dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashada ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wasiirdowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhaawaca ciidanka difaaca Dowladda Puntland ee madaxweynaha Dowladda Puntland uu ku booqdey Hospitaalka Guud ee magaalada Garoowe ayaa Waxaa ay ahaayeen ciidankii kusoo dhaawacmay Iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Dowladda Puntland iyo malayshiyaadka maamulka la magac baxay Soomaaliland, dagaalkaas oo ka dhacay duleedka magaalada tukaraq taariikhdu markay 15 May 2018.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ciidanka difaaca Dowaldda Puntland iyadoona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ula-qaysaday dareenkiisa xaaladda ay ku jiraan, isla markaana uu Alle subxaana watacaalaa uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaantood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey ciidanka dhaawaca ah in  ay waxyeeladani soo gaadhay iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkoodaba, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa aha, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda hooyo, welibana uu Allaah uga baryey in intii dhimatay oo dalkooda u shahiidayna uu Illaahay janadiisa kawaraabiyo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saraakiisha Hospitalka Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland kula dar-darmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Dowadda Puntland, ahmiyad gaarana siiyaana caafimaadkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*