19th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska  Boris Johnson oo saaka soo gaaray gudaha dalka.

Xoghayaha oo saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimid Muqdisho,waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay  mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wadahadleen, arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xoojiinta xiriirka  laba dal ,dardargalinta taageeerada wax ku oolka ah ee Ingiriisku siiyo dowladda Soomaaliya iyo taakuleynta howlaha samofal ee xaaladda abaareed ee ka jirta dalka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay ,shirka London  ee bisha May ka dhici doona, kaas oo la xiriira  arrimaha Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*