28th March 2024  admin  Category :

Farmaaji oo Guddi u saaray beelaha Xawaadle iyo Gaal jeccel ee wada dega Hiiraan waxay isku hayaan

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddi u magacaabay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne iyo shaqaaqadii uu ku geeriyooday Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan.

Guddigan ayaa baaritaan ku sameyn doona sababta ka dambeysay iska hor imaadka shalay ka dhacay duleedka Beledweyne, gaar ahaan deegaanka Kalabery.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaalinta maxkamadda Ciidamada iyo xubno kale ayaa ka mid ah Guddigan, iyadoo Taliye Bashiir uu guddoomiye u yahay Guddigan.

Guddigan ayaa la filayaa inay kormeer ku tagaan magaalada Beledweyne, isla markaana baaritaan xaqiiq raadin ah ku sameynayaan dhacdadii uu ku geeriyooday Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan.

Xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ayaa salka ku heysa xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana ciidamo taabacsan ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan gudaha iyo duleedka magaalada Beledweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*